|

Golaha Amaanka Oo Ansixiyay howlgal La magac baxay UNISOM oo Soomaaliya kuwa jahan

New York May 03 2013 (SDN)— Golaha Amaanka Q.M ayaa si loo dhan yahay ugu codeeyay hirgalinta howlgal cusub oo ay Soomaaliya ka bilaabayaan kaasi oo lagu Magacaabo UNSOM (United Nations Assistance Mission in Somalia).

 Howgalkan UNSOM ayaa fadhigiisu waxa uu noqonayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo bilaaban doona 3-bisha June ee soo aadan waxana waqtigiisu uu yahay muddo 12-bilood ah.

UNSOM ayaa badalaya xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan kaasi oo lagu Magacaabo UNPOS oo muddo 15-sano ah ka shaqeynayay Soomaaliya.

Xafiiskan ayaa shaqada ugu weyn ee uu qaban doono wax uu yahay isku xirida taageerada caalamiga ah ee la siinayo dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana uu ilaalin doona wada shaqeynta Q.M , dowladda iyo AMISOM oo Amaanka xaqiijineysa.

Sidoo kale waxa ay dowladda ku caawin doonaan dib u dhiska dalka, xuquuqul insaanka, hirgalinta sharciga iyo arrimo kale oo badan si looga hortago caqabado ay la kulanto dowladda Federalka Soomaaliyeed.

UNSOM ayaa talooyin siin doona dowladda Soomaaliya iyadoo xafiiskan uu la socon doono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban sida uu wax uwado iyo waxa u qabsoomay.

Dhawaan ayay aheyd markii golaha Amaanku isku raacay in cunaqabateynta Soomaaliya saran ee hubla laga qaado taasi oo qeyb weyn oo ka mid ah lagu guuleystay.

SDN-New York

Comments are closed