Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka doodaya Xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya
New York March 06 2013 (SDN)— Iyadoo maanta oo arbaco ah lagu wado in Golaha ammaanka ay ka doodaan sida cunaqabateynta hubka ah looga qaadi karo Soomaaliya,ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan kulanka,iyadoo ay jiraan kala qeybsanaan dhanka fikrada ah.
Qaraar Qabyo ah oo ay ku kala qeybsan yihiin xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa lagu wadaa in maanta si weyn ay ugu doodaan,iyagoo cod u qaadaya.
Dowladaha Britain iyo Farance,ayaa si weyn kaga walaacsan ka qaadista Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya oo Golaha amaanka uu damacsan yahay in maanta uu ka doodo,halka Mareykanka uu dedejinayo heshiiska cunaqabateynta looga qaadayo Soomaaliya.
Warar soo baxaya ay baahisay wakaalada wararka Reuters,ayaa sheegaya in dowlada Britain ay soo jeedisay in xitaa Soomaaliya mudo halsano laga qaado oo laga reebayo hubka ridada dheer,iyadoo sidoo kale indhaha lagu haynayo xaalada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran,si ay awood ugu yeelato inay qalabeyso ciidamadeeda Qaranka.
Waxaana dowladaha Britain iyo France ay ku talinayaan inaan lagu deg degin in Soomaaliya iminka laga qaado cunaqabateynta hubka ee Saaran,iyagoo ku andacoonaya in Soomaaliya wali qilaaf ay ka jiraan.
SDN-New York