|

Godane Oo Waji-gabax Kala Kulmay Dalab Uu u Diray Dhiggiisa Roobow

Marka:19-Dec-2013 (SDN)-Hogaamiyaha  Awoodda Badan ee Kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa la sheegay inuu Waji Gabax kala kulmay Dalab uu u diray Mukhtar Robow, kaas oo uu kaga dalbanayey isku soo dhawaansho iyo heshiis cusub oo dhex mara.

roobowSida ay sheegtay Shabakadda Wararka ee  Rasminews.com, oo ku dhaw hoggaamiye Godane, ayaa shalay  Faafiyey in Godane haatan u heellan yahay inuu mideeyo dhinacyada iska soo horjeeda ee Al-shabaab.

 

Warka ayaa intaas ku sii daray in Shango’le loo soo diray Ergo ahaan, kaas oo loo igmaday inuu labada dhinac wada hadal ka dhex furo si meesha looga saaro khilaafka kooxda ragaadiyey awoodeedii siyaasadeed iyo middii dagaalba.

 

Waxaa lagu warramay in Roobow uu ku gacan saydhay la hadalka Godane, isaga oo ku xidhay shuruud ah inuu ka towbadkeeno dambiyadii uu ka galay Shabaab, kadib markii uu dilay qaar ka mid ah hogaamiyayaasheedii.

“Aniga iyo Godane waxaan isku qabanay diin, mana hadli karno illaa uu diinta kusoo laabto, oo uu ka towbad keeno” ayuu Roobow ku yidhi Shongole, sida lagu daabacy webkan Shabaabka taageera.

 

Shongle ayaa isaga qudhiisa dhowr bilood ka hor waxaa hub ka dhigis ku sameeyey Axmed Godane.

Dhinaca kale warbixintan ayaa shaacisay in Roobow uu ku sugan yahay meel ka mid ah howdka gobollada Bay iyo Bakool, oo uu kasoo jeedo.

 

Lama garayo ujeeddada uu haatan godane u dalbaday inuu la heshiiyo Roobow oo uu u yaqaano nin didoobay, balse  waxa uu  mukhtaar Roobow aaminsan yahay inay tani tahay xeelad isaga la doonayo in shirqool loogu maleeyo.

Labada nin ayaa isku seegay dilal isdaba joog ahaa oo uu Godane u geystay saraakiil muhiim u  ahaa kooxdan, waxana uu Roobow aaminsan yahay inuu Godane yahay shakhsiga wiiqaya wada jirka iyo isku duubnida mujaahidiinta.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed