“Gobollada Woqooyi waa Gobollo Somaliyed oo Dalka Somalia kamid ah” Madaxweyne Xasan Sheekh DAAWO
Muqdisho 24.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu maamulo ka dhisaayo deegaanada Somaliland, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday wada-hadallada dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay midnimo ka gaadhi doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in ay qirsanyihiin in gobollada Somaliland ay dhibaato gaadhsiisay dowladdii Kacaanka ahayd isla markaana ay la wadaagayaan xasuusta iyo murugada ay reebeen dhibaatooyinkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kale oo uu carrabka ku adkeeyay in ay doonayaan midnimo taasi oo uu ku tilmaamay Midnimo Muqaddas ah.
“Gobollada woqooyiga Soomaaliya ku yaalla [Somaliland] ee walaalaheen ah waa gobollo Soomaaliyeed oo dalka Soomaaliya kamid ah 18ka gobo lee Jamhuuriyadda Somalia ay ka koobantahay kamid ah, dabcan duruufo gaar ah iyo tabasho gaar ah oo ay qabaan waa ay jirtaa wada-hadallo ayaa socda dowladda Somaaliya ay ku raadinayso walaalaha gobolladaa degan waxa ay tabanayaan in laga daaweeyo oo laga qanciyo si aan markale ugu naaloono haybadda iyo sharafta midnimada iyo Xoogga midnimadu ay leedahay” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo intaasi ku daray “waa run waan qiraynaa in gobolladaasi ay dhibaato ka dhacday magaca dowladnimada soomaaliyana ay dhibaatadaasi ku gaartay waa run .. gobolladaas dadka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka ku yaalla sida ay u taabatay dhibaatadii dowladdi barigaa way ka duwantahay qaybo badan oo Soomaaliya kamid ah sida ay u taabatay”