Gobolka Waqooyi Bari Kenya Oo Laga Beddelay Taliyihii Booliska mid cusubna la Keenay
Gaarisa:26-Sep-2013(SDN)- Isku shaandhayn ballaadhan oo la sameeyey ayaa keentay in la beddelo Taliyahii ciidanka Policeka ee gobolka waqooyi, Waxana la keenay Taliye cusub oo Police.
Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka wuqooyi bari ayaa waxaa noqon doona Henry Barmao isaga oo badali doona taliyihii hore ee Policeka gobolka waqooyi bari .
Taliyaha cusub ee Policeka bariga dalka ayaa waxuu noqon doonaa Mr Yaa Baya .
Taliyaha guud ee Police ka David Kimaiyo ayaa isku shaandhayntan ku micneeyay inay tahay mid looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amaanka guud ahaan dalka .
Isku shaandhayntani uu maanta ku dhawaaqay taliyaha guud ee Police ka dalka ayaa ku soo beegmaysa iyada oo qayb ka mid ah dalka ay ka jirto amni daro .
Baddalaadda taliyaha guud ee Policeka gobolka waqooyi bari ayaa ku soo beegmaysa iyada oo xalay ay laba weerar ka kala dhaceen Mandera iyo Wajeer.
SDN.
Contact@somalidiasporanews.com