|

Gobolka Sool oo uu soo Gaadhay Madaxweyne Xigeenka Puntland iyo Somaliland oo ka Aamustay

Laascaanood 09.April 2014 (SDN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Xaaji Cumar iyo Wefti uu hoggaaminayo,ayaa maanta socdaal ku yimi deegaanno ka tirsan Somaliland gaar ahaan gobolka Sool socdaalka Madaxda Puntland ku soo galeen gudaha Somaliland,ayaanay ka hadal Xukuumadda Somaliland oo hore u ballan qaaday inay dalka  Xuduudihiisa sugtay isla markaana aanay taako ka mid ah Somaliland iman Karin cid kasta oo lid ku ah madaxbannaanida Somaliland

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Xaaji CumarMadaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Weftigiisa,ayaa maanta socdaalka ay ku yimaadeen deegaannada ka tirsan gobolka Sool waxay ku soo gaadheen tuulada Falaydh-yaale oo ka tirsan degmadda Xuddur halkaasoo uu dhagax dhigay waddo cusub oo Maamulka Puntland ka hir galinayo deegaankaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,ayaa isla maanta markii uu dhagax dhigay wadada Puntland ay sheegtay inay ka dhisayaan deegaanno ka tirsan gobolka Sool waxaa uu dib ugu laabtay Xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed