Gobolka Banaadir Oo Afhayeen Cusub Loo Magacaabay
Muqdisho:July,18,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa loo Magacaabay Siyaasi Cali Maxamuud Faarax (cali-seeko), sida ay sheegayaan wararka aanu Halkaas ka Helaynaa.
 Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa soo magacaabay Afhayeenka cusub ee Maamulkiisa.
Gudoomiyuhu waxa uu xil-ka-qaadis ku sameeyay Afhayeenkii hore ee Maamulka Banaadir Axmed Cismaan Muxudiin, oo xubin ka ah Maamulka Gobolka Banaadir ahaa.
Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan oo ah Afhayeenkii ugu horeeyay ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xilkaasi iska casilay muddo laga jooggo 80 maalmood.
Cali Seeko, ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii Kmg ahaa, ee Dowladdii uu hogaanka u haayay Shariif Sheekh Axmed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com