Gobolka Banaadir iyo caalamka oo iska kaashanaya xaalada Barokacayaasha
Muqdisho May 21, 2024 (QJ) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Qorshe Farsamo oo loogu talagalay in xal loogu helo barakacayaasha ku nool Gobolka Banaadir. Qorshahan ayaa ah mid ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir, Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadantinimo Mudane George Conway, Wakiilo ka socday Hay’adda IOM, xubno farsamo oo ka socday Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu taageerayo Waaxda Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU).
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha Gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in ay helaan xuquuqaha aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, guriyeynta, iyo shaqo abuurka.