|

Gobolka Awdal Iyo Xuska 22 Guurada Madax banaanida S.land {DHAGAYSO}

Boorama 21.May (SDN).  Magaalada Boorama Waa Halkii Lagu aasaasay Hanaanka Dawladnimo ee Somaliland ka hano qaaday,Waa Degelkii u Horeeyay ee laba Madaxweyne oo Somaliland ahi ay Xilka Hogaaminta Qaranka kula Kala Wareegeen Waana Magaaladii Marti galisay Shirweynihii beelaha Somaliland uga qabsoomay Sannadkii 1993kii Isla markaana Ergooyinkii isugu yimid ay ugu doorteen Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inuu Noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,ku Xigeenkiisana Loogu Cumaamaday Mujaahid C.raxmaan Aw Cali Faarax,iyagoo labadooduba Xilka kala Wareegay Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland yeelato Marxuun C.raxmaan Axmed Cali Tuur,iyo Ku xigeenkiisii Muj.Xasan Ciise Jaamac .

Waxaan barnaamijkan aad ku dhagaysan doontaan Sidii Shacbiga Ku Nool Magaalooyinka Boorama iyo Qun Ujeed ay uga qayb qaateen Xuskii 18 May,isla markaana ay kala qayb galeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Sida Wasiirka Wershadaha,Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo arrimaha Bulshada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BOORAMAY.mp3″]
Boorama SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed