General Indha-cadde Oo Qaaday Tallaabooyin Uu Ku Difaacayo Hubka Gacantiisa Ku Jira Iyo Dawladda Oo Amar Siisay
Muqdisho:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka Muqdisho laga Helayaa, waxa ay Dawladdu Gudo-gashay Tallaabooyin ay hubka General Indha-cadde hasto kula wareegayso, iyadoo General-ka Laftiisuna uu u holladay siduu u difaaci lahaa Hubkaas uu haysto.
Saraakiisha ammaanka ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in general Yuusuf indhacadde loo qabtay muddo kooban oo uu hubka gacantiisa ku jira kusoo wareejiyo, isagoo aan wali jawaab kusoo celin dawladda.
Yuusuf Indha Cadde oo ka cabsi qaba inuu weeraro kala kulmo Laamaha Ammaanka ayaa la Tilmaamayaa inuu jaray gabi ahaan Wadooyinka gala Hooygiisa Magaalada Muqdisho, isagoona badsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd, isla-markaana wada Dhaqdhaqaaqyo u eg qaar uu isku difaacayo.
Lama Oga waxa uu Yuusuf Indha Cade uga jawaabay baaqa ka baxay Xafiisyada Laamaha Ammaanka ee ahaa inuu maalmo kooban Hubka ku wareejiyo, balse waxa ay warar hoose sheegayaan inuu ka caga jiidayo isagoo garabsanaaya Wasiirka Amniga Khaliif Erag iyo Taliyaha Ciidamada Militeriga Indha-qarshe.
Dhanka kale, Waxaa suuragal ah in Ciidamada Ammaanka ay jawaab adag ka bixiyaan waa haddii natiijo laga waayo Beesha Habar-Gidir oo uu Indha Cadde kasoo jeedo.
Hore ayaa loo sheegayey inaanay ciidanka ammaanku isku dayi doonin inay faraha la galaan hubka gacanta ugu jira Yuusuf indhacadde, maadaama uu taageero ka haysto Wasiirka amniga iyo Taliyaha Ciidanka Militeriga, waxase Wararkan dambe muujinayaan inay dawladdu isku dayeyso inay si siman shacabka hubka uga wada ururiso.
SDN/QJ