|

Gen. Taani maxaa hogaanka ciidanka Jiida looga bedelay

Hargeysa Feb 08, 2023 (QJ) – Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo ku sugan jiida hore ee dalgaalka, Gen. Nuux Taani ayaa hawgalka ciidamada Jiida hore ku wareejiyay Gen. Dolaal.

Talaabada ayaa laba siba lagu sifeeyay, waa mid e waxa la leeyahay Taani waxa uu ka muquuranayaa eeda denbiyada dagaal ee ka dhashay weerarka Laascaanood.

Halka qaarna leeyihiin waxa uu Gananku uu tahli kari waayay maamulka dagaalka iyo amar siinta ciidanka.

Xogtan ayaa imaneysa xili dawlada Soomalaiya iyo beesha caalamkuba indhahoodii ay haatan ku wejahan yihiin Laascaanood, isla markaana ay canbaareynayaan.

QM iyo Beesha Caalamka ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada Laascaanood.

QM heyada u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa dalbatay in la baaro dhimashada rayidka Laascaanood.

Halka Beesha caalamku sheegeen in dagaalka la joojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada dawlada Somaliland khaasatan masuuliyiinta sare ay wejahayaan eedo la xiriira dagaalka Laascaanood oo sawir guracan ka muujinaya sheegashadii nabedgelyo iyo kala danbeyn ee Somaliland.

 

Comments are closed