|

Gen. Taani: Ciidamada Somaliland oo sugaya amniga

Laascaanood January 24, 2024 (QJ) – Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Taani ayaa manata mar uu la hadlayay warfidiyeenada waxa uu sheegtay in ciidamada Somaliland gacanta ku hayaan amniga magaalada Laascaanood, isla markaana sheegtay in aaney jirin ciidamo kale oo soo galay Gobolka Sool.

Taliyuhu wuxuu kaloo sheegtay in ciidamada soo galbiyay Garaada ee Laascaanood lagu arkayay ay yihiin kuwo ka tirsan Somaliland.

Taliyuhu wuxuu intaa raaciyay in ciidamadu sii wadi doonaan hawlgalada lagu sugayo amniga isla markaana aaney dhegjalaq u siin doonin hadalo uu sheegtay in ay deelqaaf ahaayeen oo ka soo yeeray Garaadada.

Ciidamada maalmihii u danbeeyay lagu arkayay magaalada Laascaano ayaa sitay calamada Soomaaliya iyo khaatumo, taas oo Meesha ka saareysa sheegashada Taliye Taani, garaadaduna waxa ay ku celcelinayeen maalmihii ina dhaaftay ka bixida Somaliland ee degaanada SSC.

Comments are closed