|

Gen. Diini : “Marna ma dhaafi doono kuwii dilay Gen. Joordan Taliyihii Guutada Shanaad..”

Muqdisho Oct 30/12 (SDN)Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/qaadir sheekh Cali Diini oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa wacad ku maray inaan la dhaafi doonin kuwii shalay dilay Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada Militariga Soomaaliya Gen. Maxamed Ibraahim Faarax “Goordan” oo jidgooyo loo dhigtay isaga iyo ciidamadiisa shalay ku geeriyooday.

Waxaa uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed in ay baariyaano adag ka wadaan halka lagu dilay taliyaha, waxaana uu ku hanjabay in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka danbeeyay dilka Taliyaha.

Gen. Diini ayaa xusay Taliyaha la dilay kaalinta uu ku lahaa arimaha Miltariga iyo hogaanka ciidanka,waxaa uu carabka ku dhiftay inuu ahaa nin aad muhiin u ah.
Dhinaca kale kooxda Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka gaadmada ah ee lagu dilay Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada Militariga, walow Shabaabku goor danbe ay sheegteen masuuliyadaasi.

Gen. Goordan ayaa aas qaran loo sameyn doonaa, iyadoo meydkiisa maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in lagu aasi doono Muqdisho.

Qurbojoog.com

Muqdisho

Comments are closed