|

Gefkii Afhayeenka Baarlamaan​ka Soomaaliya​: Mohamed Osman Jawaari Uu U Gaystey Puntland: ‘Waa Taariikh Madow, Oo U Gashay Buuga’

Sida vidowga https://www.youtube.com/watch?v=fSVuzPi-wV8 ee youtubeka ee ku lifaaqan qoraalkaan ku cad, waxaad arkaysaa, aadna maqlaysaa hadalkii uu Afhayeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya sida bareerka ah uu u yiri. Hadalkaasoo laga dhadhasan karo ama laga dareemi karo nac iyo naceeb, iyadoon laga fiirsan cawaaqib xumada uu keeni karo hadalka noocaan oo kale ah.
 
 
Inkasta oo hadalada ka soo yeeray Jawaari noqday kuwo ka fajicisey QurboJoogta Soomaaliyeed, gaar ahaana Jaaliyada Reer Puntland ee Minneapolis, MN, hadana ma aha mid u gaara Jawaari oo keli ah hadalada meel ka dhaca ah ee lagu bartey madaxda Dowlada Federaalka. Dadka qaar ayaa aaminsan in madaxda Dowlada Federaalka ay u dhaqmaan in sidi ‘xalay dhalay’ oo kale. Iyaga oo aad moodo in aysanba wax ka ogayn waxa dhaliyey, sida uu ku bilowday dagaalkii sokeeye iyo dhibta uu ku reebay dadwaynaha Soomaaliyeed oo ilaa hada aysan ka kabsan. Dhinaca kalena, waxaad moodaa in ay colaada sii hurinayaan, iyaga oo aanba ogayn in hadalada noocaan oo kale ah, ee naca iyo nacaybka xambaarsan, uu ahaa wixii dhaliyey dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii sanadkii 1990kii.
Waxaan hada ka hor wax ka qoray, hadal ka mid ahaa qudbad uu jeediyey Duqa magaalada Muqdisho ‘General Muungaab’. Isagoo ku eedeeyey in Alshabaabka in laga soo diray Somaliland iyo Puntland. Xataa hadii ay arintaas jirto, waxaa qatar ah in qowmiyad dhan loo jimciyo shaqsiyaad kooban, isla markaas dhamaan la wadaajiyo eed aysan wax shaqo ah ku laheen. Taasoo loo fasiran karo isku dir la isku diraayo dadka, fitnana la rabo in lagu xaliyo arimaha murugaysan ee kooxda nabadiidka ah ee Alshabaab ku hayso Muqdisho iyo qaybsanaanta dagaalkii sokeeye dhaliyey.

Waxaa nasiib daro ah in Jawaari oo ah ruug cadaa wayn, dalkana ka soo qabtey xilal badan, ahna Afhayeen Baarlamaanka Soomaaliya, in uu maanta ku hadaaqo hadal aan marna qof noocaas oo kale ah laga filanayn. Hase yeeshee, arintaan oo la xariirta sharci darada iyo fowdada wadanka ka jirta, taasoo madaxda wadanka ay isyeeleeykooda ku xiran tahay in ay ogyihiin in aysan jirin maxkamad awood leh oo hadalkaa u qabsan karta. Hadalkaas oo aduunka waqtigaan lagu jiro loo fasiri karo in uu yahay mid ku saleesan ‘naceeb’, isla markaan keeni kara colaad ka dhex dhalata jaaliyadaha Koofur Galbeed iyo Puntland.
Hada iyo dan, maxaa talo ah? Waxaa talo ah, Jawaabta laga sugaayo Jawaari waa ay noqotaa mid uu ku qaato qaladkiisa, si buuxdana u raaligelisa ummadda uu u gefey iyo kuwa uu fidnada ka dhaadhiciyey. Waa hadii uu geesi yahay, gartiisa qaata. Hadii kale, sida ka muuqato videoga, qof wariye ah, oo aan meesha ka muuqan, looguna yeeraayey Jaamac, oo isaga iyo makiinadiisa wararka duubaysey uu ku gacan sayray, marka ha ugu gacan sayro ummadda sheekh iyo shariifba leh, ee ku been abuurtey – taariikhdaa madowna haka tago.
Waxaa idiin soo diray Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee MN – junlay99@aol.com.

Comments are closed