“Geedka Lagu Hoos Dhaartaa, Haddii Dhaartu Fuli waydo Wuu Qallalaa” Dhacdo la Yaab leh oo ka Dhacday Burco
Burco 30.May 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco, ayaa arrin mucjiso ah ku tilmaamay hoolka shirarka xildhibaanadda oo lagu waabariistay isaga oo dumay.
Islamarkaanna waxay sheegeen in saacaddo ka hor dumintiisa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen wasaaradda dib-u-dejinta iyo qaar ka mid ah xukuumadda iyo dad danyar ah oo guryo laga rarayay.
Xildhibaanadda oo arrimaha ka hadlay waxay yidhaahdeen “Waxa dumay hoolkii shirarka ee dawladda hoose oo xalay (habeen horre) ayuu isku fadhiistay, cidinna ma joogin marka, oo saacad ka hor ayaa laga dareeray oo wasaaradda dibudejinta iyo qoladdan maamulka dawladda iyo qolo loo raraayay xaafadda ka sokoysa xabaalaha dahabshiil, waxay ila tahay wuxuun baa lagu khalday iskamay dumine oo roob muu jirin, dabayla may dumin.”
Xildhibaan Bidhi ayaa sheegay in qadarka alle ku dumay hoolkan, balse loo nisbayn karin wax kale “Hoolku xalay (habeen horre) ayuu dumay oo anigu waxaan imi ilaa 11:00 habeenimo oo siday wax u dhaceen cidinna ma duwi karto oo hoolku wuu iska dumay amarka ilaahay.”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdikariin ayaa sheegay in hoolkan dumay tilmaamay wax jira “Guriggaa dumay waa xafiiskayagii oo dumay, runtii diiniyan geedka lagu hoos dhaarto, geedkaasi wuu galimi jiray. Maanta hoolka dumay waa hoolkii shirarka, waxaad ka warhaysan in sharciyaddii ilaa iyo maalintii aanu golaha nimi sharci baan dabataagnaa ilaa maantanna ma hayno inkastoo uu ballanqaad jiro dhinaca xukuumadda ah, guriggaa dumay waxbuu sheegayaa.”ayuu yidhi Xil. Cabdikariim