Gebilay: 14 Xildhibaan oo Sheegay inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Maayarkoodii iyo Ku Xigeenkiisii, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Hakisay Kulan aan Caadi ahayn oo Xildhibaanadu yeeshaan {DHAGAYSO}
Gebilay 23.June 2014 (SDN/QJ)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Gabiley oo Markale bilaabay mooshin ka dhan ah Maayirka Magaalada Gabiley Md Shucayb Maxamed Muuse oo ay Xilka Kagag Xayuubinayaa.
wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa ay Shalay Subax ku waabariisteen Xildhibaano Tiro badan oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Magalada Gabiley Kana soo horjeeda Maayir Shucayb iyagoo wasaarada Arimaha Gudaha Ka Codsaday in wasaarada Arimaha guduhu u ogolaato kalfadhi aan Caadi ahay oo ay ku qabsadaan Hoolka Dawlada Hoose Ee Magaalada Gabiley.
Kadiba Dalbashadaasi wasiirka Arimaha Gudaha ayaa xildhibaanadaasi ka dalbaday inay dib u dhigaan kalfadhigaasi,wakhtiga ku haboona qabsadaan.
In ka badan 14 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Gabiley ayaa isku bahaystay sidii ay meesha uga tuuri lahayeen maayir shucaybka gabiley,dhawaaqa xil ka qaadista maayirka Gabiley ayaa laga dareemayaa magaalada Gabiley tan iyo markii ay gacanta ula tageen Maamulka Degmada iyo Ka gobolka Gabiley ay gacanta ula tageen saraakiil Ethiopian ah oo ka gudbayay gobolka gabiley,iyadoo dhacdadaasi galaafatay Badhsaabkii Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi
Soo Curashada Xil Ka Qaadistan Ayaa Ka Danbasay Ka Dib Safar Mudo Qaatay Oo Maayarku Ugu Maqnaa Dalka Dibadiisa Taasi Oo Si Wayna Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII XILDHIBAANADA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xubnXil23.mp3″]
Gebilay SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com