|

Gawaari ay leedahay Hormuud oo lagu gubay Muqdisho

Muqdisho December 25, 2023 (QJ) -Qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, oo lala beegsaday gaari nooca shidaalka qaada ah, ayaa waxaana ka dhashay dab xooggan.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaana shilkan uu ka dhacay degmada Waxaracade ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaan geysan khasaare nafeed, balse waxaa ka dhashay dab xooggan oo gubay Gaariga la beegasaday ee Hormuud.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya sida uu dabka u xooganaa.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa tii labaad oo muddo 48 saac gudahood ah lagu beegsaday gaari ay leedahay shirkadda Hormuud.

Saacado ka hor inta aan gaariga la gubin ayaa sidan oo kale waxaa lagu beegsaday gaari Shidaal siday oo ay leedahay shirkadda Hormuud degmada Heliwaa. Qaraxan ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda, waxaana qaraxan kadib la sameeyay dadaalo degdeg ah oo lagu xakameynayo laguna daminayo dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeeysa weerarada lagu qaaday gaadiidka Hormuud, mana jirto si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkan. Maamulka Shirkadda ayaan weli soo saaarin war rasmi ah oo ku aadan weerarada lagu qaaday gaadiidkooda.

Comments are closed