|

Garyaqaanno Xoojiya Muranka Kenya Ku Hayso Badda Somalia Oo La Diyaariyey

Nairobi:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Dawladda Kenya ayaa ku Hawllan sidii ay difaac adag uga geli lahayd dacwadda Somalia u Gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah, taas oo ku saabsan Qaybo kamid ah Badda soomaalida oo Kenya sheeganayso.

xoojSida la sheegayo waxaXeer ilaaliyaha dowlada Kenya Githu Muigai, diyaariyay koox garyaqaano ah oo ka difaaca xukuumada Kenya dacwada maxkamada sare ee Qaramada Midoobay ee ay dowlada Soomaaliya ka gudbisay.

28-kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa xukuumada Soomaaliya waxa ay ka codsatay maxkamada caalamiga ah ee Hague inay go’aan ka gaadho khilaafka dhinaca badda ah ee u dhexeeya labada wadan iyadoo go’aankaasina uu noqonayo mid labada dal mid uun ay dhiniciisa soo marto keyd badan oo isugu jira shidaal iyo gaas.

Xeer ilaaliyaha dowlada Kenya Proff Muigai ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaarisay koox garyaqaano oo isugu jira Kenyan iyo ajnabi ah daafaca heshiiska ay gaadheen dowlada Kenya iyo dowlada Soomaaliya balse uu diiday baarlamaanka Soomaaliya.

“Kulan hordhac ah oo uu yeelanayo maxkamada caalamiga ah ayaa la filayaa dhamaadka bishan, balse toddobaadka dambe ayaa khubarada garyaqaanada ah gaadhayaan magaalada Haig si ay ula kulmaan garyaqaanada ajaaniibta ah ee daafacaya dowlada Kenya.”ayuu yidhi xeer ilaaliyaha xukuumada Kenya.

Sida lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada dalka Kenya dowlada Soomaaliya ayaa doonaysa xuduuda badda ee labada dal in uu noqdo mid la siman xadka dhulka labada dal ee jihada Koofurbari. Halka ay dowlada Kenya ka dooneyso in uu xadku noqdo mid si toos ah jihada Bari halkaa oo ay ku heleyso dhul badan oo badda ah.

Haddii dacwada ay dowlada Soomaaliya ku guuleysato waxa u soo hadhaya dowlada Kenya dhul kooban oo sadex xagal oo badweynta Hindiya ah, iyadoo waayi doonta illaa toddobo goob oo ceelal shidaal ah taasoo hore ay u siisay sahamiyayaal.

Muranka ku saabsan xuduuda badda labada dal ayaa sanado soo jiitamayay taasina waxa ay ka joojisay in maalgeliyayaal ay baadhitaan ku sameeyaan shidaalka iyo gaaska halkaa dhex ceegaaga.

Si kasta ha ahaatee dowlada Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay xeer jajab ugu dhamayn lahayn muranka badda iyadoo ay muuqato in haddii ay waydo biyahaas badda ay wax badan ka maqnaan doonto, balse ma muuqato dadaal weyn oo dadka Soomaaliyeed ay u galayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen sharcidarada dowlada Kenya ay ku dooneyso in ay ku xalaaleysato biyaha badda ee Soomaaliya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed