|

Garyaqaan Madax-bannaan Oo Farta Ku Fiiqay Caqabadaha Hor Istaagi Kara In Xukun Caddaalad Ku Dhisan Laga Soo Saaro Khilaafka UCID

Hargaysa 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Daraasadaydan sharci waxa ay ku qotontaa qabyada sharci ee jirta ama haysta meelo badan oo qarankan JSL ah   mid kamida oo ah nidaamka ay marayso iyo sharciyada loo baahnaa in marka hore la helo ama ay jiraan marka la furayo ama laga garnaqayo ee la  dhagaysanayo dacwada noocan oo kale ah sida tan u dhaxaysa labada garab ee xisbiga qaran ee Ucid.

xuseen-shabeelKhilaafkii soo kala dhexgalay labada garab ee uu u kala jabay xisbiga qaran ee Ucid horaantii sanadkii hore ee aynu soo dhaafnay  ayaa waxa uu soo jiitamaba markii uu khilaafkaasi circa isku shareeray  horaantii sanadkan aynu ku jirno ayaa garabka uu hogaaminayo Jamaal Cali xuseen iyo Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray)  iyagoo kaashanaya qareenadooda  waxa ay dacwad ka dhan ah gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo hogaaminaya garabka kale  u gudubiyeen Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka, Arjiga dacwad furashada ee ku taariikhaysan 12/4/2016 ee Qareenada garabka Jamaal Cali Xuseen u gudbiyeen gudida  oo aanu jirin habayaraatee  wax habraac sharciya (Procedure law) oo ay uraaceen ama tilmaamaya sida loo qorayo dacwada noocan oo kale ah ama ay u cuskadeen arjigoodan dacwad furasho ee ay u qoreen uun Qareenadu  kaliya sidii aragtidoodu ahayd iyagoo cuskanaya Qod: 29(1) Xeer Lr.14/2011 oo u dhigan sidan Haddii xubnaha xisbi ama urur isku khilaafaan hogaanka ama u kala jabaan laba meelood iyo wax ka badan, hay’adaha xisbigu/ururkuna xalin kari waayaan khilaafka, waxa dhinicii danaynayaa dacwad  u gubinayaa Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.,

Su’aashu waxay tahay side ama nidaamka sharci ee ay dacwada u gubisanayaan dhinacyadu waa side ama habraaca sharci ee ay raacayaan waa kee?

Dhanka kale Qareenada Garabka Faysal cali waraabe  ayaa iyaguna gudida u  soo gudbiyay Arjigooda jawaab celinta ee ku taariikhaysan 9/5/2016 jawaab celintoodaas oo  aanay jirin habayaraatee  iyaguna wax habraac sharci ah oo ay u raaceen ama ay u cuskadeen jawaabcelintoodan oo tilmaamaya sida looga jawaabayo dacwadaha noocan oo kale ah.

Waxa iyana wax lala yaabo ah in ay dhamaan dhinacyadii iyo qareenadoodii aqoonta sharci la biday  oo isku dhami  ay  ogolaadaan in Gudidii dhagaysato dacwadii taarikhdu markii ay ahayd 12/6/2016 iyadoo aanay jirin waxa habraac sharciya (procedure) oo tilmaamaya sida ay gudidu u dhagaysanayso dacwada noocan oo kale ah  iyo wax nidaam sharciya oo xadidaya dhinacyada doodaya oo aanay ka talaabi Karin.

Waxa  Iyana dhacday  in ay gudida diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ee dacwadan bilaa habraaca sharci ( with out Procedur) ku dhagaystay  ay waliba go’aan ka soo saareen iyadoo aanay jirin habraac sharci oo ay go’aankoodan u raaceen ama ay u cuskadeen sida ku cad go’aanka ay ka soo saareen khilaafka u dhexeeyay garabyada xisbiga ucid sida ka muqata go’aankooda  sumadiisu tahay   Ref: Gid/U/A/SS/229/2016 ee ku Taariikhaysan 21/07/2016 .

Hadaba qabyadaa sharci waxa sababay oo masuuliyadoodii  uu sharcigu siiyay gabay gudidan bilaa nidaamaka sharci dacwadaha ku dhagaysanaysa ee  waliba go’aanka  ka soo saaraysa iyagoon samaysan Xeer-nidaamiyihii (Regulation) ay u raaci lahaayeen go’aanka ay soo saarayaan Xeer-nidaamiyahaas oo samayntiisa uu sharcigu siiyay gudidan sida ku cad . Qod: 26  Xeer Lr.14/2011 oo u dhigan   Gudida Diwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbayada Qaranku waxa uu awood u leeyahay in uu soo saaro Xeer-nidaamiye (Regulations),  Xeerka Hab-dhaqanka (Code of Conduct) iyo Awaamiir (Directives) aan ka hor imanayn xeerkasida ku xusan.

Iyadoo butuluqsigaa hore iyo qabayadaa hore ee sharci jirto ayay hadana garabkii faysal Cali Waraabe Racfaan u qaateen Maxkamada Sare iyagoo Go’aankii  Gudida uga cabanay, Arjigaa racfaan qaadasho ee Qareenada Garabka Faysal Cali Waraabe u gudbiyeen Maxkamada Sare oo iyaduna sidii tii hore oo kale wax Habraac sharciya oo ay u cuskadeen iyo waxa habraacsharciya  oo uu dalku leeyahay oo xukunada noocana sida racfaan looga qaadan karo iyo nidaamaka loo marayo  toona sheegaya  aanu jirin ayay iyaguna Arji ay ku sheegeen inay racfaan kaga qaadanayaan xukunkii gudida diwaangalinta ururada iyo ansixinta asxaabta qaranka oo ay qareenada garabka faysal cali waraabe  u qoreen sida ay aragtidoodu ula muuqatay uun  oo waxa sharciya oo xadidayaa aanu jirin iyo wax ay cuskanayaan ama habraacayaan oo sharci  ayay  maxkamada sare u gudbiyeen sida ku cad Arjigooda Racfaan Qaadasho ee ku taariikhaysan 13/8/2016.

Hadaba sida aynu wada og nahay iyadoo aanu dalku lahayn wax Habraac sharci ah (procedure) oo ay Maxkamada Sare u raacdo dhagaysiga Racfaanada  dacwadaha noocan oo kale ah ayaynu dhawri bal sida ay ka yeesho iyo sida ay u dhagaysato sharciyan iyo sida ay go’aan sharciya uga soo saari karto iyo Habraaca Sharci ee ay dabaqdoba Marka ay gudo gasho Racfaankan Horyaala !!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Su’aashu waxa ay tahay miyay Aqoon ahaan dhaami doontaa Gudidii hore u dhagaysatay dacwadan iyadoo aan wax habraac sharciya lahayn mise lamid ayay noqon doontaa???????????

Bal aynu dhawrno, bal aynu eegno, bal aynu sugno sida ay ka yeesho.

Bishuba Horteenay imane.

Qoraagaga Daraasadan sharci.

Garyaqaan: Xuseen Shabeel C/laahi.

Tell: 0634741313 .

Email: Xu06-shabeel@hotmail.com

Comments are closed