Garowe: Puntland Oo Beenisay inay Kulan la yeesheen Masuuliyiin ka socday Somaliland
Garowe 02.May 2014 (SDN/QJ)-Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war dhawaan kasoo baxay mas’uuliyiin Somaliland ka tirsan, kaas oo ahaa in magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, oo kamid ahaa weftigii Puntland uga qayb galay shirkii Bahar Dar, ayaa sheegay inaanu jirin kulan rasmi ah oo labada dhinac dhex maray, marka laga reebo muddo kooban oo wufuudda labada dhinac ay wada qaxweeyeen.
“Wakhtiga shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana lays salaamaa oo dad Soomaali ah baa la yahay, mase ogi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland,” Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sidaas yidhi, siday faafisay shabakada Hiiraan Online.
Cali Xaaji wuxuu dhanka kale sheegay in haddiiba Puntland iyo Somaliland ay wada hadlayaan ay taasi u baahan tahay qorshe iyo in wadahadalkaasi uu noqdo wax laysku ogyahay balse kulan si dhuumaalaysi ah loo qabtaa aanu wax micne ah sameyn karin.
Garowe SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com