|

Garowe:- Mudanayaashii Baarlamanka Somalia ee ka Soo Jeeday Punt land oo Garowe u Yimid Shir Wada Tashi

Garowe 02.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda  deegaanada Puntland kuna sugnaa magaalada Muqdisho,ayaa ka soo xamaam uruursaday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaanay u soo guureen isla markaana ay maanta ka soo degeen magaalada Garoowe  xarunta Maamul goboleedka Puntland iyagoo ka jawaabayay baaq uu doraad u jeediyay Madaxweynaha Puntland oo uu ugu baaqay xubnaha kaga jira dawladda federaalka Soomaaliya deegaanada Puntland in ay dhakhso u yimaadaan Garoowe iyadoo uu isla maalintaana Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay in uu xidhiidhka u  jaray dawladda Muqdisho.

 

DSC06353Xildhibaannadan oo ay tiradoodu dhan tahay lix xubnood   oo uu hor kacayay,  Xildhibaan Xasan Abshir Faarax. Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan.

 

Intaas kaddib, xildhibaannadu waxay usoo gudbneen dhanka aqalka madaxtooyada, halkaasoo uu ku qaabilay si diirranna ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

 

Madaxweynaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo noqoshada  xildhibaannada iyo weliba sida ay uusoo ajiibeen baaqii hore loogu jeediyey ee ahaa inay Puntland dib ugu soo noqdaan.

 

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ku hadlayey afka xildhibaannada ayaa isna sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in iyagoo nabad qaba ay deegaanada ay kasoo jeedeen dib ugu soo noqdaan.

 

Isagoo sharraxaya ujeedada ay xilligan Puntland u yimaadeen waxaa Xasan Abshir hadalladiisii kamid ahaa: “markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeediseen, Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin Ilaahayna nabad buu nagu keenay “

 

Kaddib markii saddex maalmood kahor [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu dhisay maamul goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, maamulka Puntland wuxuu shaaciyey in gebi ahaanba uu xidhidhka  u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

 

Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeedhay dhammaan xubnaha kasoo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaasoo ilaa 15-ka bishan loo qabtay inay magaalada Garoowe kusoo xaadiraan.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed