Garoowe:Kulan lagaga Hadalayo Horumarka Gobolka Nugaal oo lagu Qabtay
25,Apr.2014(SDN/QJ)-Magaalada Garoowe ee caasimada waxaa maanta oo jimce ah lagu qabtay shir looga hadlayey horumarka gobolka Nugaal, kaas oo uu soo qaban-qaabiyey wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duur-joogta Puntland Guuleed Saalax Bare.Wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada, Isimo, waxgarad, aqoonyahano, ganacsato iyo culimo Awdiin ayaa ka soo qayb galay shirka maanta ee looga hadlayey horumarka gobolka.
Wasiirka deegaanka Puntland Guuleed Saalax Bare oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka hadlay, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in bulsho kasta oo reer Puntland ay mudan tahay in ay ka tashadaan aayahooda iyo horumarka degmadooda iyo gobolkooda, isagoo intaas ku daray in dowladdu taageerayso cid walba.
Wasiirka ayaa ku sheegay hadafka shirkan maanta inuu yahay mid tusmo iyo tuusaalayn u ah bulshada Puntland loogana hadlayo horumarka iyo nabadgelyada gobolka Nugaal, waxaa khudbado jeediyey masuuliyiin kala duwan iyo hal-doorka qaybaha bulsho ee shirka fadhiyey.
Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada waa wayn ee gobolka oo hadal ka jeediyey shirka, waxaa uu ugu baaqay dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmo kasta in ay awood u yeeshaan in la adeegsado sharciga oo laga awood roonaado qabyaalada.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali waxaa uu shirka ka sheegay in qorshaha maamulkiisa uu yahay horumar iyo amniga oo la xejiyo, dhowaan ayaa gudoomiyuhu sheegay in aysan muhiim ahayn in mar kasta amniga laga fekero balse loo baahan yahay in la hiigsado horumar.
Gobolka Nugaal ayaa ah kan keliya ee is bedel maamul ka dhacay tan iyo intii la dhisay xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ee afarta bilood jirta, waxaana shirkaan ku soo beegmayaa xili magaalada lagu qabtay dhowr shir oo nabadgelyada, wadashaqaynta iyo horumarka looga hadlayey.
SDN/QJ-Garowe
contact@somalidiasporanews.com