|

Garoonka Maxamed Mooge Miyaa La Hagraday Mise Waa Ogaal La’aanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Hargeysa,7july,2015(QJ/SDN)-Xoghaya guud ee garabka dhalinyarada xisbiga waddani Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa fariin adag u diray wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somailand, xoghaye Cabdifatax oo fariin qoraal ah soo gaadhsiiyay shabakadda wararka ee Qurbejoog, ayaa farta ku fiiqay dayaca ka muuqda garoomada kubadda cagta ee ay xukuumadu ka masuulka tahay gaar ahaan garoonka Maxamed Mooge oo uu sheegay inuu  ka mid ahaa garoonada ugu ciyaaraha badnaa bishan barakysan ee ramaadan, balse aan ramadaantan wax ciyaaro ah lagu qaban.isagoo eedaasna dusha uga tuuray mas’uuliyiinta ugu sarsareysa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Haddaba fariinta Xoghaya oo dhammeystiran Halkan Hoose Ka akhriso.

100E1469

Garoonka Maxamed Mooge Miyaa La Hagraday Mise Waa Ogaal La’aanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Garoonka Maxamed Mooge waa mid kamida garoonada ugu waa wayn magaalada Hargaysa, waxaana la aasaasay sanadkii 2004 horaantiisii, waxaa kadhisan kooxo badan oo heer walba leh iyadoo ka soo baxeen ciyaartooy badan oo xirfadooda ciyaareed ay gaadheen heer ay usaftaan qaranka ama kooxaha heerka koobaad.

Bishan ramadaan waxaa uu garoonkani ahaa bisha ugu saxmada iyo mashquulka badan, iyadoo lagu ciyaari jiray koobka ramadaanta, waxay dhalinyarada ciyaarta ama xiisaysa kubada cagta u ahayd fursad wayn oo ay ku kobciyaan xirfadooda ciyaareed.

Nasiib-darro se muddo sanada laguma ciyaarin iyadoo sabab ay u tahay in laga gooyay birihii garoonka ee lagu ciyaari jiray, markaaba waxaa gabi-ahaanba meesha ka baxay ciyaarihii lagu ciyaarijiray garoonkan Maxamed Mooge.

Hadaba waxaa layaaba oo qayru masuulnima ah in ay wasaaradii dhalinyarada iyo ciyaaraha ee shaqadan loo igmaday aanay aqoonba meel uu ku yaalo garoonkan Maxamed mooge, isagoo ay tahay degmada uu ka soo jeedo agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, haddana wax war ah iyo wacaala aanu ka ogayn dayaca iyo burburka ka muuqda garoonkiisa taasina ay tahay masuuliyad darrada ay ku sifoobeen xukuumadan haatan xilka haysa oo uu ka gana mashquulay waxyaabo kale.

Xoghayaha guud ee garabka dhalinyarada ee heer qaran ee xisbiga Waddani Cabdifataax Saciid Axmed (Aftax).

Comments are closed