|

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu Qabtay Raashin Dhacay oo loo Waday G/Gedo

WFP

Muqdisho,14,6,2016 (QJ/SDN) – Ciidanka booliska ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa maanta Gaacanta ku dhigay Raashin dhacay oo ka koobnaa Noocyada kala duwan oo ay leedaha Hay’adda Cunnada Aduunka ee WFP.

Raashinkan oo ka koobaaa; Galley, Masaggo (Haruur), Misir iyo noocyada kale ee miraha ayaa ah kuwo aan la cuni karin, iyadoo la sheegay in loo waday Qaybo ka mid ah Gobolka Gado ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Raashinkan la rabay in laga Dhoofiyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, balse Baaritaanno kaddibna la Ogaaday in uu yahay raashin dhacay oo aan la cuni karin, sidaasna ay ku hakiyeen.

Taliyaha Hoggaanka canshuuraha ee booliska Somalia, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo kula hadlay Warbaahinta Saldhiga Booliiska ee Garoonka Muqdisho – ayaa xusay in Ciidamadu ay ku Guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Diyaaraddii siday Raashinka dhacay, Wuxuuna xusay inay ku sii jeeday Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn, Mid ka mid ah Hawl-wadeenada Hey’adda WFP ayay Ciidanku ku dhigeen gacanta si su’aalo looga weydiiyo raashinkan dhacay ee la doonayay in loo qaado Gobolka Gado ee Koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed