Garbo(Kaawo) Soo Duntay Oo Keentay Dhimasho Iyo Dhaawac Dad Danyar ahaa
Muqdisho:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Haatan inta la Ogyahay Saddex Qof ayaa dhimatay Toddoba kalena waxa soo gaadhay Dhaawac kadib markii ay soo duntay Garbo ama Kaawo laga qodayey Dhagaxa dhismaha loo adeegsado.
Kaawada Duntay oo ku Taallay Agagaarka Magaalada Muqdisho, ayaa dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen shakhsiyaadkii noloshooda kala soo bixi jirey Qodiska ciidda iyo dhagaxa, kuwaas oo ay kusoo duntay Qayb weyn oo dhulka ka mid ahi.
Cisbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay Dadkii ku soo dhaawacmay,iyadoona Saddexda Ruux ee Geeriyooday ay Isbitaalka ku Nafbaxeen.
Cali Maxamed Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Iskaashatada Dhagaxa ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadkani ay ku soo Duntay Kaawo,hoos u qodneyd ugu yaraan 20-Mitir oo ay ku hoos jireen.
Gudoomiyaha ayaa Xusay in Xaalada Dadka qaba dhaawacyada ay iskugu jiraan kuwa Fudud iyo kuwa liita oo qaarkood ay Jabniin soo gaadhay, isla-markaana u baahan yihiin in si degdeg ah wax loogu qabto.
Maamulka Isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay la Tacaalayaan Dhaawacyadan la soo gaadhsiiyay oo ay Adeeg Caafimaad u fulinayaan.
Inkastoo dhacdadan ay tahay qadar rabi ayaa hadana Dadka ka shaqeeya kaawada waxaa ay sheegayaan in Xoogsatada Kaawooyinka la baxa ay Naftooda halis galiyaan oo ay gudaha u galaan Meelo aan Nafta lagu aamin Karin.
Haatan ka hor kaawo sidan oo kale ugu soo duntay dadkii xamaalata ahaa ee qodaneyey ayaa keentay inay kusoo dunto, isla-markaana ay ku geeriyoodaan dad tiro badan oo saacado badan ay ku qaadatay in xataa meydadkoodii la helo, maadaama qoditaan lagu helayey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com