Garabka UDUB ka goostay ee Jamaal Cali Xuseen iyo Xisbiga uu ku biiray ee UCID oo heshiis 4 qodob ka kooban wada saxeexday
Hargeysa 12, July 2012 (SDN)- Garab uu hoggaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo ka baxay xisbiga UDUB iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku kala saxeexday heshiis iskaashi.
Heshiiskan oo afar qodob ka kooban, waxay Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ku saxeexeen munaasibad lagu soo dhawaynayay ku biiritaanka garabkaas ee xisbiga UCID, taasoo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana garabkan ka mid ah; wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhwayne), afhayeenkii xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) iyo masuuliyiin kale oo hore uga tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee UDUB.
Qodobada heshiiska labada dhinac oo uu munaasibada ka akhriyay Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ka tirsan masuuliyiinta UCID, waxa uu u dhignaa sidan; “Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Shabcaan, 1433 Hijrada, kuna beegan 12-ka July 2012 waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland heshiis ay ku midoobayaan labada dhinac ee kala ah:
Xisbiga Qaran ee Cadaalada iyo daryeelka (UCID) oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ah garabka UDUB ee uu hogaaminayo Md. Jamaal Cali Xuseen, oo go´aansaday inay Xisbigoodi ka soo baxaan, lana midoobaan Xisbiga UCID.
Heshiiskan labada dhinac ku midoobeen waxa u jeedadiisu tahay in Xisbiga Qaran ee UCID la balaadhiyo, lana xoojiyo oo la isugu keeno inta baddan Aqoonyahanka iyo wax-garadka Somaliland, jidkana loogu xaadho sidiii uu Xisbigu u xaqiijin lahaa u-jeedadii horaantiiba loo asaasay oo ahayd inuu hogaanka dalka hanto, soona saaro hogaamiyayaal lexejeclo ka hayso oo da´ayar, karti iyo aqoona leh oo danaha umadda u istaaga.
Xisbiga UCID oo taariikh dheer ku leh nabadeyntii Somaliland, iyo abuurista iyo taabogelinta dimuqraadiyada waddanka ka hano-qaaday, waxa uu qaranka u sheegayaa inuu taagan yahay, heegaana u noqon doono, wax kasta oo danta Somaliland ku jirto.
Qodobada ugu muhiimsan heshiiska labada dhinac gaadheen waxa uu u dhignaa sidan:
1. Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe la balaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan.
2. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, iyada oo laga duulaayo xeerkii cusbaa ee lagu ansixiyey shirweynihii Xisbiga UCID ee sadexaad, kaas oo dhigayey in la kala saaro guddoomiyaha Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynanimada ee xisbiga, sidaa daradeed waxa la isla gartey inuu Md. Jamaal Cali Xuseen uu yahay murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qeybgalaya doorashada madaxtooyada ee qorsheysan inay qabsoonto sanadkan 2015 Mudane Jamaal, isaga oo la tashanaya guddoomiyaha Xisbiga wuxuu dooran doona murashaxa u tartami doona xilka madaxweyne kuxigeenka.
3. Labada dhinac waxay heshiiskan ku xaqiijinayaan, in hogaanka Xisbiga ee uu hormuudka uu yahay guddoomiye Faysal Cali Xuseen, ee lagu doortey shirweynihii Xisbiga ee sadexaad ay sidooda ahaanayaan. Waxa ku soo kordhaaya hogaanka Xisbiga labada xubnood oo kala ah Xoghayaha guud ee Xsbiga iyo guddoomiye kuxigeenka sadexaad oo ka iman doona garabka cusub ee Jamaal Cali Xuseen.
4. Labada dhinac waxxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo, guddi qabanqaabo oo ka shaqeysa qabsoomida Kal-fadhiga Afraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn. Shirka Golaha dhexe iyo shirweyanaha Xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaan-ba qodobada heshiiskan, Sidoo kale waxay maal marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee Xisbiga UCID.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com