Garaadada Sool oo ku dhawaaqay goaan ka dhan ah Somaliland
Laascaanood Feb 06, 2023 (QJ)- -Madaxdhaqameedka SSC ayaa manta goaamo mudo la sugayay uga dhawaaqay magaalada Laascaanood, goamadan oo 13 qodob ah yaaa ay madaxdhaqameedka ku sheegeen in ay uga mid yihiin Soomaaliya isla markaana sidii la filayay ku sheegeen in Somaliland ciidamadeeda kala Baxdo degaanada SSC.
Intaa ka dib ayaa dagaala bilowgiisa labada dhan isku eedeeyeen waxa uu ka bilowday aaga bari ee magaalada. Dagaalka Laascaano ee manta waxa ku wax yeeloobay dad rayid u badanaa, halka dhimasho dhinacyada dagalamayna ay jiraan.
Garaadada Sool Iyo Somaliland madaxdeeda ayaa midba ka kale ku eedeenaya duulaanka.