Garaada Sool oo Villa Somalia iyo Beesha Caalamka ku karbaashay Muuse Biixi
Muqdisho Feb 01, 2023 (SD) – Garaadada Sool ayaa Villa Soomaaliya iyo beesha caalamka uga cawday hadalkii Muuse Biixi ka soo yeeray ee uu reer Sool ku eedeeyay argagixisinimada.
Sida laga soo xigtay xubnihii u kala dabqaaday Garaadada Sool iyo dhinacyada ay u cawdeen, waxa Garaadada lagu qanciyay in ay la socdaan hadalka ka soo yeeray Muuse Biixi iyo xaqiiqada dhabta ah ee xaalka Laascaanood. Waaxaney ku qanciyeen in ay la xiriiri doonaan Maamulka Somaliland una sheegi doonaan in xaalka la dejiyo.
Sida Ilo wareedyadu noo xaqiijiyeen, Villa Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka in ay xiriir la sameeyeen madaxtooyada Somaliland mowqifkooda Laascaanoodna la wadaageen.
Garaada ayaa dhankooda la faray in ay xaalda dejiyaan isla markaana ay ka fiirsadaan qodobada ay ka soo saari doonaan shirka Aayo-ka-tashiga reer Sool.
Si kastaba Hadalkii Muuse Biixi ee ku wejahnaa Kacdoonka reer Laascaanood ayaa u muuqda mid halkii uu islahaa wuu gaari ku hungoobay. Waxa hada la eegaana waa in uu Muuse sidii la yiqiinay baal maraa talooyinka cid walba xaalkana uga sii daro.