Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xasuuqay Konfur Afrika
Cape Towne June 20,2012(SDN)-Waxa maalmihii u denbeeyay dalka Konfur Africa lagula dilay tiro ganacsato Soomaaliyeeda oo ay qolo qawleysato dalkaa u dhalatay.
Burcada leysay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba dhacday oo guratay gebi meheradihii ay Soomaalidu lahaayeen.
Madaxada Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Konfur Afrika ayaa ka dalbaday heyadaha Amniga ee dalkaasi in ay il gaara u yeeshaan burcadan bartilmaansaneysa Soomaalida.
Laba Todobaad ka hor ayay aheyd kolkii ay Burcad dalkaa u dhalatay markii ay weerartay oo ay gubeen meherado fara badan oo Soomaalidu laheyd.
Ciidamada Booliska ee Konfur Afrika ayaa Soomaalida ku booriyay in ay naftooda badbaadiyaan oo aaney hanti isku mashquulin.
Soomaalida u hayaantay Konfur Africa ayaa intooda badan galay ganacsi ay si weyn ugu aflaxeen oo hanti fara badana ay ka sameysateen.
Sidoo kale waxa iyana jirta in Soomaali fara badan oo dalkaa tagtay ay qudhoodu naftooda ku waayeen dilal badheedha oo loo geystay.
SDN-Cape Town
contact@somalidiasporanews.com