Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Gubay Dalka South Afrika
Johansberg:June,28,2014(SDN/QJ)-Afar Muwaadin oo u dhashay somalia, ayaa lagu gubay Dalka Koonfur afrika oo ay ku haysteen Meherado Ganacsi.
Muwadiniintan ayaa la sheegayaa inay lagu Gubay Gudaha Meheradooda, iyadoo arrintaasna la sheegay inay ka dambeeyeen Niman budhcad ah oo u dhalatay dalka Konfurta afrika.
Mid ka mid ah mulkiilaha goobta ganacsiga oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in kooxo hubeysan weerar ku qaadeen xarumo ganacsi oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ka dibna dab qabadsiiyeen, xilli habeenimo ahayd oo la hurday.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dabka la qabadsiiyay ayaa la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Johansberg halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Kooxo budhcad Koonfur African ah ayaa fara kulul ku haya ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Africa,kuwaasi oo dhibaatooyin isugu jira dil,dhac iyo xad-gudubyo ku haya Soomaalida dalkooda dhibaatada kaga cararay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com