Ganacsatadii Soomaalida ee Islii oo u guuraya dalalka Kenya la jaarka ah
Nairobi June 15, 2014(SDN/QJ)-Dalka Kenya ayaa haatan waxa laga dareemay khasaaraha ka dhashay ololihii Soomaalida lagu bartilmaansaday ee todobaadyada qaatay.
Xaafada Islii oo xarun u aheyd ganacsiga Niarobi iyo dalka Kenyaba aya ahaatan laga dareemay hoos u dhac weyn oo ku yimi dhaqaalixii ay xaafadaasi soo xareyn irtay.
Saxaafada Kenya ayaa shaacisay in ilaa 20 kun oo meheradood ay ama isaga baxeen ama xaraash haatan ku socdo oo kacay intii ka danbeysay ololihii ciidamada Kenya la beegsadeen Soomaalida.
Baananka xaafadaa ku yiilay ayaa qudhooda sheegay in hoos u dhac balaarani uu haatan ka soo wejahay Soomaalida isaga yaacday Nairobi.
Soomaalidii ku nooleeden Islii ayaa la sheegay in haatan looga gacan haatiyay dalalka Ugaandha iyo Ruwanda.
Goobihii ganacsiga iyo aqaladii ay degenaayeen Soomaalidii ka ganacsan jirtay kuna nooleyd Islii ayaa haatan haawanaya.
Si kastaba ha ahaatee Kenya ayaa haatan uun ku baraarugtay raadka ololihii Soomaalida ka dhanka ahaa uu uga tegay dhaqaalaha dalkaasi.
SDN/QJ-Nairobi