|

Ganacsataddii Maayarku Lacagta Kaga Qaaday Dhismaha Xusbiga oo Lacagtoodii Loo Celiyey iyo Baaq ay Madaxweynaha u Dirteen

Hargeysa Oct 17,2012(SDN/Hubaal)- Maayarka Magaaladda Hargeysa Eng. Xuseen MAxamuud Jiciir ayaa dib ugu Celiyey lacagihii hore looga qaaday dadkii  dooonayay in loo dhiso xarunta Xisbiga Hargeysa ee  uu Madaxweynuhu Xayiray.

Dhulkan oo la sheegay in Maayarku hore uga iibiyey dad ganacsato ah isla markaana  khilaaf ka dhex dhalisay dawladda Hoose iyo dadkii hore u degenaa dhismaha dhulkaas ayaa madaxweynuhu amray in aan la dhisi karin, lana xayiro.

Haddaba xubno ka tirsan ganacsatadii la sheegay in dhulkaasi laga iibiyay  ayaa shalay sheegay in Maayarku dib ugu celiyey lacagihii uu ka qaaday  taas oo ay sheegeen inaanay ahayn mid lagaga iibiinayay dhulka danta guud balse ay ahayd maal gashi.

Mustafe Maxamed Aadan oo kamid ahaa dadkii lacagta loo celiyey oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa ka warramay dib u soo celinta lacagtii Maayarku ka qaaday,  “Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in la noo celiyay lacagtii markii horana dhulka la nagma iibine waxaanu ahayn dad maal gashi ku samaynaayay dhulka xusbiga markii madaxweynahu go,aanka ka soo saarayna waanu joojinay anaga oo fulinayna amarkii madaxweynaha,lacagtiina waanu qaadaynay.” Ayuu yidhi Mustafe Maxamed Aadan.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Jirde Cabdi Boqore oo isaguna yidhi “Qof kasta waxa laga qaaday lacag dhan laba kun iyo boqol doolar, (2100), waana la noo celiyay mana jiro wax muran oo naga dhaxeeya anaga iyo dawlada gaar ahaan maayirka, halkanna waxaanu ku haynaa tigidhkii lacagta la noogu celinaayay oo aanu Dahab Shiil iyo meelkastaba kaga qaadanayno markaa warka uu qoray wargayska Waaheen ee sheegaaya in madaxweynahu gudi xalisa muranka ka jira dhulka xusbiga anagu ma ogin waxna kama jiraan warkaasi.

Sidoo kale ganacsatadan ayaa madaxweynaha ka Cod saday inuu siiyo dhul ay ku ganac sadaan islamarkaana ay kala soo baxaan nolol maal moodkooda, una fasaxo dhulkii laga raray.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed