Ganacsade Ina Aw Siciid iyo Madaxweynaha Jabuuti oo kala booday,maxey tahay sababtu?
Jabuti Oct 07,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuurida Jabuuti Ismaciil cumar Geele iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa warar aanu helay sheegayaan in aaney sidii hore isugu wanaagsaneyn isla markaana lagu guul dareystay in waan waan la dhex dhigo.
Ganacsade Ina aw Siciid oo ah ninka ku qoran Shirkada Isgaarsiinta ee Somcable ayaa waxa hore u maalgeliyay madaxtooyada Jabuuti oo uu xidid la ahaa.
Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ganacsaduhu uu magaalada Hargeysa u soo wareegay intii ka danbeysay geeridii ku timi Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Banka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xeyd oo ay Ina Aw Siciid xiriir ganacsi oo uu ku metelayay madaxweynaha Jabuuti kula jiray.
Ilo Wareedyada ayaa sheegay in Ganacsade Maxamed Aw Siciid uu ka biyo diiday wada xisaabtan ay madaxtooyada Jabuuti dalbatay geeridii Jaamac Xeyd dabadeed.
Ina aw Siciid ayaa deetana la sheegay in uu si buuxda Jabuuti uga soo guuray oo uu Hargeysa sidaa ugu soo wareegay.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa la sheegay in uu aad uga carooday hab dhaqanka Ganacsdaha uu u isticmaali jiray ganacsigiisa Somaliland uuna amray in la soo xiro hadii uu cag soo dhigo carada Jabuuti.
Sidoo kale Dawlada Jabuuti ayaa dhashadii dalkaas oo ay ganacsadaha hore u siisay waxa la sheegay in ay kala noqotay.
Ma cada sababha uu Ganacsade In aw Siciid uga gaabsaday wada xisaabtanka waxaase muuqata in hanti faro badan oo ay dawlada Jabuuti gelisay mashaariic uu ku magacawnaa ay noqdeen qaar si guran loo maamulay oo deetana lagu khasaaray.
Balse aan xogtaa hore loola wadaagin madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com