Galmudug oo beenisay in Shabaabku askar ka laayeen
Muqdisho February 02, 2024 (QJ) -Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saartay sheegashada Al-Shabaab ee la xidhiidha khasaaraha ka dhashay dagaal todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.
Al-shabaab ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaalka dhawaan ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug, iyagoo sheegay dawlada ay ka dileen ciidamo tiradooda ay ku sheegeen 200 oo askari.
Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Gaboobe, ayaa beeniyay in Shabaabku ay dagaalkii Caad ku dileen 200 oo ka mid ah askartooda, wuxuuna caddeeyay in Shabaabku ay adeegsadeen sawirro been abuur ah si guul ay usheegtaan.
Wasiirka ayaa xusay in ciidamada dowladda ay soo gaareen khasaarooyin iyo dhaawac, balse ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla-markaana ay jab xooggan gaarsiiyeen.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay inay socdaan dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in beesha caalamka ay iska kaashanayaan ka hortagga weerarada kooxaha argagixisada ah ay ka geystaan xarumaha rayidka ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.