|

Gadood iyo Isu Soo Bax ay Maanta Sameeyeen Sariflayaasha Magaalada Jawhar oo ka Cabanayay dhac loo Gaystay Mid ka Mid ah Sariflayaasha Jawhar

Jawhar 20.March 2014 (SDN)- Sarriflayaasha lacagta ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhigay dibadbax ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dhac Arbacadii shalay loo geystay mid ka mid ah sarriflayaasha lacagta ee magaalada.

Dibadbax-Jowhar-300x168Rag hubeysan oo watay dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada dhacay mid ka mid ah sarriflayaasha lacagta oo lagu magacaabo Xasan Daa’uud Sheekh Siidow, kaas oo xilliga la dhacay ku sugnaa suuqa sarrifka, sida uu Bar-kulan u sheegay mid ka mid ah sarriflayaasha lacagta ee dibadbaxa dhigayay oo codsaday inaan la sheegin magaciisa.

Waxay ka dhaceen lacag dhan Sosh 12 milyan.

Dibadbaxa ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaan wali ka hadlin dhaca loo geystay ganacsade Xasan Daa’uud.

Jawhar SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed