|

Gadiidlayda Xamuulka Qaada Ee U Kala Goosha Somaliland Iyo Jabuuti Mudaharaad Shaqo Joojin Ah Sameeyey

Saylac 13-11-21012 (SDN)-Wadayaasha Gawaadhida Waa Wayn ee Xamuulka qaada una kala goosha Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo jabuuti ayaa la lagu soo waramayaa in ay sameeyeen shaqo joojin ay ka midaysan yihiin ka dib markii ay cabosho  ay qabeen cidi ka hoos qaadi wayday.

warar aanu helinayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay  isla markaana ka imanayaa Magaalo Xeebeeda Saylac ayaa sheegeya in ay Mudaharaad shaqo joojina ay sameeyeen wadayaasha Gaawaadhida waa wayn ee Xamuulka kuwaasi oo iska ka shaqeeya Somaliland iyo Djabuuti .

cabashada wadayaashi ayaa ku salaysan jid xumo ka taagan deegaanada Galbeedka Somaliland iyaga oo wadayaasha gawaadhida Xamuulku dhib wayn ka sheegeya marida Wada Rafka ah taasi oo marmarka qaar ay kala kulmaan shil gaysta khasaare  naf iyo maalba leh.

Wadayaasha Gaadiidka waa wayn ee loo yaqaano Xamuulka ayaa hore dhowr jeer Xukuumada Somaliland ugu diray baaq iyo cabasho ay kaga codsanayaa in ay Dowladu wax ka qabato jid xumadani balse aaan cidi dheg u jalaqsiin cabashadoodaasi taasi oo sababtay in ay gadood iyo shaqo joojin sameeyaan Wadayaasha Gaadiidka Waa wayn ee isaga kala Goosha Somaliland  iyo Wadanka Jabuuti.

waxaa  ay gaadiidlay cadeeyeen in ay Diyaar u yihiin Cashuurkasta oo ay Xukuumadu saarto gaadiidakani taasi oo tii hore looga qaadi jiray ka badan balse ay taasi bedelkeeda codsanayaan in jidkani wax laga qabto si loooga baxo dhibkani haysta gadiidlayda .

www.Qurbejoog.com Hargeisa

 

Comments are closed