Gacan-yare Muhiim u Ahaa Guddoomiye Muuse Biixi Oo Iscasilay Iyo Siro Qarsoonaa ah Oo u Bannaanka Keenay
Hargeysa:jully,10,2015(SDN/QJ)-Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee Xisbiga Kulmiye Md Mustafe Iid Maxamed, ayaa iska casilay xilkii uu ka Hayey xisbigaas, waxana uu eedo u jeediyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isagoo xogo dheeri ahna ka Bixiyey Habdhaqanka Muuse.
Mustafe Iid, ayaa warsaxaafadeed uu Xafiiskaas kaga tegay Soo saaray, ayaa sheegay inuu waayey ujeeddooyin muhiim ahaa oo Xisbiga Kulmiye ku taagnaa, isla-markaana uu doorbiday in la helo isbeddel horleh.
Waxa uu sidoo kale si maldahan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ugu eedeeyey nin ku Hawllan dhisidda aqallo cusub, isla-markaana aan diyaar u ahayn inuu Hankiisa u dhaqaajiyo dhinaca Yoolkiisu yahay oo ah hoggaamintii dalkan.
Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidatan:
Aniga oo ah Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga kulmiye ka dib Markii aan soo taabtay ina aanay jirin rajadii isbadal ee xisbiga kulmiye dhexdiisa laga sugayay
Markii aan ku qancay siday waajib waddaniya u tahay ka qayb qaadashadda dadaalada isbadal doon ee dalka ka socda, waxan go’aansaday inaan iska casilo xilkii iyo xubinnimadii xisbiga kulmiye.
Waxaan ka raali- galinayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Md, C/Casiis Maxamed Samaale taageeradii aan ka taageeray nin aan hankiisu Daaro dhisasho dhaafsiisnayn.
Gabagabadii waxan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashaydaba u cadaynayaa in aanay ilaa hada jirin meel aan si rasmiya ugu biiray , balse aan taladiina ka dib halkaynu ku qanacno inay danta dalka iyo dadku ku jirto aynu taladeena iyo taageeradeenaba la garab istaagi doono. Haygana filina inaan sida raga qaar saq dhexe go’aan gunnaysan idinkaga salaliyo.
ALLAA MAHAD LEH
Mustafe Iid Maxamed
Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE.
SDN/QJ