Gacan ka hadalka Xildhibaanada oo xadka ka baxay
Muqdisho 05, January 2012 (Qurbejoog.com)- Iyadoo maalmihii u dambeeyay Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya uu gacan ka hadal ku dhexmarayay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa hadana maanta kulan ay ku yeesheen Xaruntaasi waxa uu ku dhexmaray gacan ka hadal kii ugu xumaa Xildhibanadaasi.
Ku dhawaad 300-boqol oo Xildhibaan oo kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan kulahaa Xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay sheegeen in maanta ay leeyihiin kulan, waxaana Xarunta ugu soo galay Xildhibaano gaaraya ilaa 30-oo taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Saxaafadda ayaa Xildhibaanadii kasoo horjeeday Shariif Xasan waxa ay u sheegeen inay banaanka ka ahaadaan shirka si ay ugu wada hadlaan arrimaha ay isku fahmi la’yihiin, hase ahaatee arintaasi ayaa waxa ay aheyd mid qayaano ah oo loogu biro tumanayay Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalin ka hor carqaladeeyay shir Xildhibaanadaasi ay ku laheyeen Xarunta golaha shacabka.
Markii ay saxaafadda banaanka ugu soo baxday Xarunta golaha shacabka Albaabkiina lasoo xiray ayaa mar qura gudaha Xarunta waxaa ka bilowday buuq iyo qaylo dhaan ay dirayeen Xildhibaanadii taagersanaa Shariif Xasan oo gacanta loola tagay, iyadoo halkaasi gabi ahaamba lagu soo dhaawacay Xildhibaanadii taageersanaa guddoomiyihii hore ee barlamaka.
Ilaa 5 Xildhibaan oo uu ku jiro Xildhibaan Isaaq Yaroow oo uu ka socdo dhiig farabadan ayaa laga soo bixiyay gudaha madasha uu shirka kasocday, waxaana la tilmaamay in Mudanayaashaasi loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho maadaama dhaawacoodu uu ahaa mid aad u culus.
Intii ay Xildhibaanada isla dhacayeen kuraasta, ayna isdilayeen ayaa xusid mudan in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan halkaasi ay sheedda ka daawanayeen, iyadoo sidoo kale ay indha ka eegayaan Ciidamada booliska dowladda Federalka KMG Soomaaliya oo halkaasi xaadirka ku ahaa.
Qaar ka mid ah Xildhibanadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in marna aysan aqbali doonin in is hortaag lagu sameeyo, iyagoo sheegay in cid waliba oo isku dayda inay ka horimaado sharciga barlamanka ay gacan ula tagi doonaan sida ay hadalka u dhigeen.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ku dhawaad 300-boqol oo Xildhibaan oo kasoo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadan shir ay ku lahaayeen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay carqaladeeyeen Xildhibaano taageersan Shariif Xasan kadib markii ay jeex jeexeen Liis ay saxiixeen Xildhibaanadaasi.
Ugu dambeyn Majirto ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda oo ku aadan khilaafka sii xumaanaya ee ka dhex taagan barlamanka Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho