|

Gabar Soomaaliyeed oo lagu oogay denbi ah in ay dooneysay in ay Syria u Dhoofto iyada oo isticmaaleysa Passport ay xaday

Minneapolis Dec 03,2014(SDN/QJ)-Xafiiska Xeer ilaalinta Minneapolis ayaa shaaciyay in Gabar Soomalai ah ay ku soo oogeen denbi la xiriira in ay damacdau in ay Syria.

Dacwada ayaa lagu xusay in Yusra Ismaaciil oo ku nool magaalada St. Paul in ay Norway iyo Holland u dhooftay iyada oo isticmaashay Passaport ay xaday.

Yusra ayaa eeda loo jeediyay lagu sheegay in ay qoyskeeda la soo hadashay oo ay u sheegtay in ay joogto Shaam o ah degaanka ay Daacish ka arimiyaan.

Xeer iaalinta ayaa sheegtay in ay Yusra aaney dib uGu soo noqon dalka Mareykanka isla Markaana aaney heysan dhalashada dalkaasi.

Ruux loo heysto in uu yahay Yusra ayaa goostay ticket balse ruuxaasi ma uu isticmaalin tickitkaasi, sida ay sheegeen xeer ilaalinta Mareykanku.

Xiriiriyaha FBI da James Comey ayaa dhawaan sheegay in Mareykanku haatan baarayo tiro dad ah oo Minneapolis ka tegay oo haatan laga baqo qabo in ay dinb uga soo noqdaan dagaalada Syria

 

Comments are closed