|

Gabadh Ka Tirsanayd Booliska Dalka Kenya Oo Qudha Iska Jartay

Nairobi:Nov,13,2014(SDN/QJ)-Haweenay ka mid ahayd Ciidanka Booliska Dalka Kenya, ayaa qudha iska jartay, iyadoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin sababaha keenay dilkeeda.

gilgGabadhan ayaa ka tirsanayd Ciidanka Booliska ee Ka Hawlgala Saldhigga Gilgil, waxana dhacdadani ay argagax ku ridday ciidankii kale ee ay wada shaqayn jireen.

Haweenaydan ayaa la sheegay inay Dilkeeda ku fulisay Toorray ay Dhuunta iska gelisay tiroba laba goor, waxana ay isla goobtii ugu geeriyootay dhiig Bax badan oo nabarkaas kasoo gaadhay.

Askariyadan oo ku jirtay da’da 40-ka ayaa la sheegay in ay ku cusbeyd saldhiga oo la geeyay mudo isbuuc ah ka hor, waxana aanay wax aqoon durugsan ah isku lahayc Ciidanka ay wada shaqaynayeen.

Mid ka mid ah ciidamada halkaasi ka howl gala ayaa sheegay in haweeneydan ay isku buuqsaneyd tan iyo markii la keenay saldhiga Gilgil, iyadoo 1 todobaad ka hor laga soo badalay Kakamega.

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in markeedi hore laga soo badalay saldhiga Nakuru, halkaasoo ay mudo 1 sano ah ka shaqeyneysay.

Askarigan oo codsaday in aan magaciisa warbaahinta loo adeegsanin ayaa Waxa uu intaasi ku daray in haweeneyda ay dhowr jeer ku goodisay in ay is dili doonto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed