|

Gabadh ka cabatay Mushar la’aan ka jirta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (QJ) – Gabar mudo dheer bilaa Mushahar kaga shaqeynaysay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, balse ka tagtay kadib markii ay wayday cid u garowda.
Aamina Habbane oo aheyd Kalkaaliye Caafimaad ayaa  sheekadeedan kusoo qortay barteeda Facebook.

Halkan ka akhriso qoraalka ay faafisay Aamina:
“Bishii Ina dhaaftay horaanteedi waxaan ka tagay shaqadii aan ka Hayay H.G.Hospital waxaan ka shaqaynaayay mudo gaadhaysa 8 Sano mudada intaas Leeg waxaan ku shaqaynaayay Bilaa mushahar iyadoo sanad walba la soo saarayay shaqaale
Hadaba waxaan in badan ku noqnoqday agaasimaha guud ee wasaarad ninka xeergeeye laydhahdo Markaan cabshadayda u sheegto wuxuu ii waydiiyay ma si joogto ah Ayaad u timaadaa mise maalinmalin ayaad timadaa waxaan u sheegay inuu la xidhiidho maamulka hospitalka maadaama oon dhawr jeer u sheegay inaan si joogto ah u yimaado
Wuxuu ii diray warqad shaqogalinta oo aha wakhtiigii aan ku Biiray shaqaalah hospitalka waxaa ii soo qoray axmed yasiin oo aha madax shaqaalaha hadaba markii aan ku noqday wuxuu igu Yidhi warqada qaxaad u dhibtaa inanta xoog haynta ii ah warqadii qayan u dhiibay waliba aniga oo ku adkeeyay inuu markuu yimaado ay u dhiibto balse may dhicin warqadiiba waxa lagu daray xashiishka waan ku soo noqday inanti waxay ii sheegtay inanaay u dhiibin mid aan sitay ayaan damcay inaan Ula galo iimay suurtoobin shir ayuu galay ayaa la yidhi
Hadab maalin kale ayaan ku soo noqday waxay ahayd 10:00 subaxnimo waxaan arkay xafiiskii oo xidhan waxa daaqada xafiiska kala hadlaaya dadka hablo waxyna ii sheegeen inuu maqanyahay waxaan ku celiyay ma laga yaabaa inuu imanaayo haddii aan sugo waxay igu yidhaahdeen ma imaanyo manta hadaba wiil kuraas xafiiska hortaal kufadhiyay ayaan u fahmay inuu sugaayo waxaan waydiiyay ma agaasimaha ayaad sugaysaa wuxu igu yidhi ahaa waan sugayaa waxa laga yaabaa inuu yimaado waan fadhiistay mudo ilaa 20 daqiiqo ah markaan halkii fadhiyay ayaa waxa noo yimid wiil kale kuraastii aanu ku fadhinay ayuu dhinac kaga fadhiistay isna wuxuu noo sheegay inuu agaasimaha sugaayo markii aanu fadhinay 30 daqiiqo ayuu yimid isaga oo u socda labadaas inan oo qudha dadkii oo dhana waxa lagu yidhi ma imaanayo oo way iska wada tageen
Markii uu soo istaagay ayaan wada istaagnay labadii Wiil iyo anigu waxa laga furay albaabki markii uu galay ayaa waxa ka daba galay inamadii ana Wan daba socdaa Dib ayuu soo eegay wuxuu igu yidhi maxaad doonaysay inamadiina wuxuu ku yidhi idinku soo socda adigu maxaad doonaysay ayuu Ii waydiiyay?
Waxaan u sheegay inuu warqadaas ii diray warqadiina aan sido wuxuu igu yidhi bal ii sug albaabkii ayuu soo xidhay markii uu inamadii hawshii u soo dhameeyay ayuu anigoo kadinka taagan ii soo baxay waraqadii ayuu iga qaaday isga oon caadi u eegin intuu waraaqdii j igu soo fidiyay ayuu yidhi tan kuuma dirin isagoo is diidsiinaya balse wuxuu ku hadlo oo kale ayuu garan wayay waxan ku idhi warqadan waxa ku cad wakhtigii aan hospitalka imid iyo inaan ka shaqeeyo ilaa hada ma waxa intaas ka baxsan ayaad doonaysa hadal la ima soo celine waa la iga dhaqaaqay aad ayaan u cadhooday waxaan ii dhaadhacday in Cid gaara uun meesha loogu shaqeeyo dadka Moodaay In meesha shaqo ka socoto malinba lab qof ayaa loo shaqeeyaa oo waji waxa loogu dhamaynaayo
Waxaanu hospitalka ka qaadanaynay guno gaadhaysa 700 000SLsh maalin ayaa waxa nalagu war galiyay in lacagta aanu qaadano nalaga jaraayo lacag gaadhaysa 62000SLSH markii laga hadalay waxa naloo sheegay inuu goosanaayo agaasimaha wasaarad xeergeeye lacgtaasi waxay gaadhaysa laba Sano ilaa hada cid ka warhaysa waxa lagu qabto iyo meel la geeyo ma jirto gunadii yarayd ee hospitalku bixinayay ayaa la iskag daba yimid”

Comments are closed