Gabadh Ardayad ah Oo Qudha Ka Jartay Macallinkeedii Toogashada Barayey
Hargeysa:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Gabadh yar oo u dhalatay Dalka Maraykanka, ayaa Qudha ka jartay Macallinkii barayey Toogashada.
Gabadhan Macallinkeeda Toogatay ayaa Da’deeda lagu sheegay Sagaal Sano jir, waxana arrintani dhacday xilli macallinka Geeriyooday Gabadha Barayey Sida ugu fudud ee ay Toogasho u samayn karto.
Macalinka Charles Vacca oo 39 jir ah ayaa siinayay gabadha cashar ku saabsan sida wax loo shiisho Arizona dalka Maraykanka hase yeeshee markii dib loo cabeeyay qorigii ayay gabadhii awoodi weyday in ay xajiso kadibna xabad ayaa madaxa kagaga dhacday Vacca.
Charles Vacca ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay madaxa isagoo lagu qaaday dayuurad si loogu soo daweeyo magaalada Las Vegas.
Waalidka gabadhan dhalay ayaa ku sugnaa meel aan ka dheereyn iyagoo filim ka duubayay sida ay gabadhooda u ridayso rasaasta,balse waxaa halkaa ka dhacay wax aanan fileyn.
Muuqaalka ay duubeen waalidiinta ayaa lagu arkay macalinka oo tusaya gabadha sida wax loo toogto,waxayna gabadhu shiishtay ama toogatay halkii loogu talogalay.
Balse qorigii ay ridaysay oo noociisu ahaa Uzi ayaa u muuqday in la geeyay halka qoriga uu si darandoori ama baas uga dhaco, markay gabadha keebka qabatayna waa ay awoodi weyday in ay xukunto waxayna taasi sababtay in rasaas ay madaxa kaga dhacdo macalinkii gabadha barayay sida wax loogu toogto qoriga noociisu yahay Uzi.
Dalka Maraykanka ayaa waxaa meelaha qaar la oggol yahay in carruurta la bari karo sida rasaasta loo rido haddii ay la socdaan waalidkood. Hase ahaatee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bara dadka sida wax loo shiisho ee Arizona ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid aan hore u soo marin oo ay tahay mid curdin ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com