Gaashaanbuurta Nato Oo U Fadhida Xaalada Dalka Ukrain
Cadrif:Sep,04,2014(SDN/QJ)-Isbahaysiga Gaashaanbuurta Nato, ayaa maant shir laba maalmood soconaya oo diirada lagu saarayo arrimaha Bariga Ukrain ku yeelaysa Dalka Wales.
Shirkan ayaa looga hadlayaa xiisada ka taagan Bariga Yurub gaar ahaan dalka Ukraine iyo dhaq dhaqaaqa militari ee Ruushka.
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale lagu casumay Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko oo lagu wado inuu warbixin siiyo hogaamiyayaasha NATO.
Dalalka NATO qaarkood sida dalka France ayaa doonaya in xayiraad cusub lasaaro Ruushka. Faransiiska ayaa hada joojiyey Laba markab dagaal oo uu ka iibin lahaa wadankaasi Ruushka.
Dalalka NATO ayaa qorsheynaya inay sameeyaan ciidamo ka kooban 5000 askari oo loogu talo galay in si deg deg ah looga hawlgelin karo goobtii la doono, isbaheysigan ayaa sidoo kale doonaya in lacag ku dhaw 2 bilyan oo dollar ay ku maalgelin doonaan sameynta iyo sare u qaadida diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee loo yaqaan Drone-ka.
Dalka Ruushka ayaa isagu si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada ay wadaan gaashaan buurta Nato, waxana lagu wadaa inuu jawaab kasoo saari doono wixii kasoo baxa shirka maanta Nato u fadhido.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com