|

Gaas oo iska casilay ka sii mid ahaan shaha barlamanka Soomaaliya

Muqdisho Dec 29 2012 (SDN)– Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen barlamanka Soomaaliya xarunta golaha shacbiga ayaa waxa guddoomiyha barlamanka uu ka sheegay in Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas uu iska casilay xubanimadii barlamanimo.

Pro Jawaari ayaa u sheegay Mudanayaasha barlamanka in isaga uu u soo gudbiyay Istaqaaladiisa Gaas oo Soomaaliya ka soo ahaa Ra’iisul wasaare KMG ah waxaana uu tilmaamay guddomiyaha in booskiisa qofkale loo dhaarinayo.

Isla kulanka ayaa waxaa lagu dhaariyay Yaasiin Cabdi Seed oo badlay Gaas oo ka mid aha mudanayaashii dhawaan la soo doortay.

Xildhibaan Xuseen Khaliif ayaa isna katagay xilka xubinimad barlamanka waxaana lagu buuxiyay booskiisa C/rashiid Muuse Nuur.

Gaas ayaa la rumeysan yahay in uu isku soo taagayo hogaaminta maamulka Puntland inkastoo madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in muddo sanad ah uu korarsaday.

SDN-Muqdisho

Comments are closed