|

Gaalkacayo: Laba Sarkaal oo Qaramada Midoobay u Shaqeeya oo la dilay iyo Madaxweyne Gaas oo Gaadhay

Gaalkacayo 07.April 2014 (SDN)- Labo shaqaale ajenbi ah oo ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC ayaa maanta lagu dilay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

gaalkacayoMaareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in askari ka tirsan ilaalada garoonka uu toogasho ku dilay labada nin xilli ay doonayeen in ay ka duulaan garoonka iyaga oo ku sii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in labada nin ee la dilay ay la taliyeyaal u ahaayeen hay’adda UNODC.

Dhaga-weyne waxa uu xusay in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay, lamana oga sababta ka dambeysay dilka labada nin ee ajnabiga ah.

Gaas_4Geesta kale Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee maamulka Puntland iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa u gudbay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, halkaas oo saakay lagu dilay labo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Socdaalka Cabdiweli Gaas ayaa la xiriira safarro uu ku soo maray degmada Burtinle iyo deegaannada Bacaad weyn, Cagaaran iyo Jalam oo ka tirsan deegaannada Puntland, si uu ugu kuur galo xaaladaha horumarka, ammaanka iyo arrimaha adeegyada bulshada.

Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland ayaa dhowaan gaaray magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo gogol xaar u ahaa safarka madaxweynaha Puntland uu maanta ku tagay Gaalkacyo.

Galkacayo SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed