|

Gaajo iyo Nafaqo daro loogu dhimayno Konfurta Somalia

Gado 14.June 2014 (SDN/QJ)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ka sheegay inay gaajo iyo nafaqo daro ugu dhinteen Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadka Gobolka ayaa la soo sheegay inay soo food saartay biyo la’aan, cunto yaraan iyo biyo la’aan saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.

Deegaamo dhawaan Kooxda Al-shabaab laga qabsaday ayaa ugu daran meelaha dhibtu ka jirto,iyadoo xaalad amni daro ka taagantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dawladda federaalka Maxamed Cabdi Kariin oo dhibaatooyinka Gobolka ka jira ka waramay ayaa sheegay inay degmada Buur-dhuubo iyo deegaamo kale dad ugu dhinteen xaalad nolol xumo.

“Dhibaato aad iyo aad u ba’an ayaa ka jirta Gobolka Geddo, deegaamada xuduudka ku teedsan ee Doolow iyo meelo kale, Deegaamada halistu ka jirtaa waa deegaamada Gobolka oo dhan”ayuu yiri Guddoomiya oo BBC-da u waramay.

Waxaanu intaasi raaciyay “Degmooyinka hada ugu daran waxa ka mid ah degmada Buur dhuubo oo dhawaan kaga xoreeyey Kooxaha Nabad-diidka ah. ilaa hada saddex qof ayaa u dhintay gaajo iyo macaluul, dadka inta kalena waxay la liitaa nafaqo daro iyo gaajo.

“ilaa hada wax gurmad ah oo la gaadhsiiyey ma jirto deegaamadaas”.

Degmooyinka Duruufaha nololeed ka taaganyihiin ayaa waxa bishii la soo dhaafay ku dagaalamay Maleeshiyaad kala taageersan Dawladda iyo xarakada Raaskaambooni.

Dagaaladaas ayaa sababay baro kac iyo dhibaatooyinka kale.

Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka dhanka nolosha ee ugu biiray ammaan daradii Gobolka taagnayd.

Waxaase wararka Gobolkaas laga helay sheegayaan inay aad hoos ugu dhacday awoodda Milateri ee Ururka Al-shabaab ku lahaa Gobolka.

Comments are closed