|

Gaadhi Bilaa Number ah Oo Saaka Khalkhal geliyey Shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo Baadhitaano Ciidanka Dembibaadhistu wadaan

Hargeysa:Sep,11,2014(SDN/QJ)-Gaadhi Nooca raacada ah ayaa saaka khalkhal ka dhex abuuray shaqaalaha   wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo waliba shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

tarGaadhigan ayaa baaro 9:00-subaxnimo ee saaka lasoo hordhigay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, iyadoo laga soo furay Labada Bilaydh-nimber, isla-markaana loo dallacay Muraayada kala duwan, waxana ku warhelay qaar ka mid  ah shaqaalaha wasaaraddaas.

Masuuliyiinta wasaaradda oo arrintan lala socodsiiyey, ayaa dareemay cabsi iyo khalkhal badan, waxana ay isla markiiba u yeedheen ciidamada Dembi-baadhista iyo waliba kuwa la dagaallanka waxyaabaha qarxa oo baadhitaan ku sameeyey.

tir

Gaadhigan ayaa waxa si weyn ugu soo ururay Dadweyne ka shakiyey sababta meesha loo soo dhigay, isla-markaana looga furay numberradii, iyadoo ciidankii halkaas yimi baadhitaanno ku sameeyeen, isla-markaana u jiideen dhinaca xarunta CID-da si loo baadho.

Hawlwaddeenada qurbejoog.com oo nasiib u yeeshay inay gaadhina la kulmaan xilligii uu horyaallay wasaaradda Qorshaynta, ayaa indhahooda ku arkay gaadhigan oo lagu urursan yahay, isla-markaana ay ciidanka dembi-baadhista iyo kuwa la dagaallanka waxyaabaha qarxaa ku xoonsan yihiin.

Ilaa iyo haatan lama hayo ciddii gaadhina lahayd, waxana uu dhex yaalla gudaha xarunta Ciidanka CID-da, iyadoo baadhitaano lagu hayo.

Gaadhigan ayaa xilliga meesha la dhigay waxa ku jirey gudaha Wasaaradda Wafti caddaan ah oo masuuliyiinta wasaaradda la kulansanaa, waxana ay taasi keentay in shakigu bato.

Ma jiro wax qaraxyo ah oo loogu tegay gudaha Gaadhigan, waxase wali la raadinayaa sababta gaadhigan looga soo furay Numberradii calaamadda u ahaa, isla-markaana loosoo dhigay Wajahadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed