|

Fund For Peace Oo War bixinteedii Sanadlaha Ahaa Ku Sheegtay In Dalka Koonfurta Sudan Uu Kaalinta 1-aad Ka Galay Wadamada Fashilmay

SUUUUJubba;26,June,2014(SDN/QJ)- Koonfurta Suudaan oo ah wadanka adduunka ugu da’da yar ayaa galay kaalinta koobaad ee wadammada fashilmay.

Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin uu sanad walba soo saaro ururka uu fadhigiisu yahay Maraykanka ee loo yeqaano Fund For Peace.

Soomaaliya oo lixdii sano ee u dambaysay kaalinta koobaad ku jirtay ayaa sanadkan gashay kaalinta labaad.

J. J. Messner oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxdaasi ayaa sheegay in dhibaatooyinka South Sudan ay yihiin ammaan darro wayn, madaxda oo kala qeybsan, iyo dagaallada qabiilka ku salaysan.

Lixda dal ee liiskaasi u horreeya ayaa dhaamaantood ka mid ah waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Dalka Koonfurta Sudan,ayaa tan iyo markii uu Xpornimadiisa qaatay Saddex sanno ka hor waxa aan muuqan Wax horumar ah oo dalkaasi ku talaabsaday.waxaana uu dalku cagaha la galay Dagaalo Qabiil iyo Khilaaf xoogan oo soo gala dhxe galay Madaxda dalkaasi,oo ilaa hadda loo maaro la’yahay.

 

Jubba-SDN/QJ

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed