|

Fuaad Waa Wiilkii Walaalkay Abdisalaan Hassan, Fuaad Casiisun Calayah!!!

Waxan Qalinka u Qaatay, in aan Shacabka Som/land, Gaar ahaan Reer Hargeysa u Soo Gudbiyo War Bixinta Jariimad ( Fal ) Argagaxoso oo Ka Dhacday Hargeysa,30 Sacadood ka Hor .Boqcadu Waa Xaafadda Jameeco Weyn, Waxay Goobtaasi, Dhinac Walba u Jirtaa 15 Tallaabo, Guryihii, Masaajidkii & Malcaamadii Culimadeenii ( Walaalihi ) Sheekh Madar & Sheekh Haruun Raximahumullah. Waa Hoygii iyo Gurigan Ku Dhashay, 60 Sanno Ka Hor, Ku Barbaaray, ku Socod Bartay. Waa Daaradii aan Ku Ciyaari Jiray ee Fiidka Hore, Hooyaday Odhan Jirtay ,, Cabdiraxmanaw Caws iyo Biyo-ku-Noosha ka soo Hoyo!!! Nabad Gelyo Taas  Caws iyo Biyo ku Noosha Inagu Cabsiin Jirtay ayey Ahayd!!  Nimcadaa iyo Noloshaa  ayaanu Soo Marnay Yaraantaydii  Illaahay Baa Mahad oo Dhan leh   Xamdan Kathiirah.
 
¤   Maxay Dhacay:
Habeen Hore Saq Badhkii ayaa Gurigayagii oo Nabad ay noogu Soo Hoydeen Ubakayagii, Mid Jaamacad ka Yimid, Mid Dugsi Sare, Dhexe iyo Hoose ka Soo Rawaxay ayaa Dagaal iyo Weerar Culus lagu Soo Qaaday, Gurigoodiina loogu Soo Dhacay, Xabad iyo Rasaasna lala Dhacay!!! Waxay Noqotay Dhacdo Argagaxnimo ,Fal aan Hore inoo soo Marin Qoys ka kooban Caruur, Dumar iyo Dhallinyaro Gurigooda loogu Daado loona Badheedho in la laayo, Illaahay Baa Badbaadiyee      Al xamdulilaah.
 
¤   Laba Arrimood Waan Qadarinayaa, Halna Falkan ayaan Ku  Xasuustay:
     a ) Xilk Nabadoonnimo, Xilka Qarnimo ee Dalkyga iyo Beeshayda aan u Hayo Waxa igu Waajib/Xil i Saraaan ah 
     Xoojinta Nabadgelyada& Odaynimo, Maadama Kiiski ku Jiro Ganada Xumuumadda & Laanta Nabad Sugida.
     b ) Nabadda Dalkana Cid Walba Anigaa Uga Lexjecelo Badan, Maadaama aan Ka Mida ahaa Boqolkii Oday ee                  Beelaha Cidagale ee 10/96 Heshiiska iyo Nabdaynta Fududeeyey oo Magaceeda aan  Wax Ku laha kana Mid ahaaa.
c ) Falkan Foosha Xun ee Habeen Dhacay, Waxa uu i Xasoosiyey Fal Noocan oo Kale ahaa  06/ 1976 Magaalada            Oddessa (USSR . Waxan Ku Jirnay Kuliyad Cidamada Lugta lagu Tababari Jiray.Waxanu ahayn  160 Cadet          Officers. Habeen Bishaa liixaad ahayd ayaanu Weerar Waxashnimo aan k u Qaadanay Dad Rayid ah oo waxba naga        Galabsan, oo aan Weerarka u Kala Hadhin!!! Labaataneeyo Qof  oo Guryahoodii Nabad Gelyo ku Joogay                ayaanu Dhaawacnay!!! Caqli Xumo aanan ka Fiirsan ayaa Dhacday oo Wax Badan aanu Qoomameynay.  Waxan           Weli aan Xasuustaydaa aan ka Go’in, Ereyo Adag oo Janankii Kuliyaddu uu Shir Degdeg ah oo la noo Qabtay         uu Meeshii Ka Yidhi oo Isku Jirtay War Bixin iyo Hanjabaad, Waxa Ka Mid ahaa ,,1945 kii Markii aanu Jabinay             Ciidamadii Nazigii Jarmalka, ayaa Cidamada Midawga Soofiyeti uu Ballan Qaaday Nabadgelyada Shacabkiisa!!         Tiina Xalay ayey Burburtay oo Idinka  (Somali) Dadkaygii laayey,  Hanjaaaabaad iyo Caga Jugleyn bu is Raaciyey.
 Dhacdadaa waxan ku Xasuustay labada Tusaale ee Horuu Marsaday ee Hoggaan Dhaqmeed iyo Heshiiska Nabada ee 10/96 ayaan Sugay Nabadda Dalka iyo Dalka.Tan Habeen Hore Waa Waxaan Hore loo Arag, Wax badan na, Soo Noqnoqo doonta Haddaan Degdeg Wax looga Qaban oo aan Gacan Adag lagu Dhigin!!!
 
Tilmaan & Digniin:
Ka Hor Dhici Maayo Wasiirka Was. Arrimaha Gudaha Mud. Ali Mohamed Waran-Cadde iyo Hayadaha Qaabilsan, 
Balse Sacaadatul Wasiir Talaabada ay Wasaaraddu Qaado ee Danbiilyaashan Degdeg Gacanta loogu Dhigaayo,       Ka Waalid Ubadkiisii la Weeraray Ka Nabadoon Ahaan, Waan Saacad iyo Maalin Tirsanayaa Sida Wasaaradaadu ay   Cadaaladda u Hor Keenayso Mujrimiinta oo Tiradooda 3 lagu Sheega. Waxan ka Digayaa,   Waxan Farayaa Cid Wal   oo Kiiskan ku Shaqo yeelata, In ay Taxadir Bada Dadaal Xooggan oo Degdeg ah loo Soo Af Jaro, Yey Noqon Baditaan Baa Socda keliya!!!
 
Gebagebo:
Waxan Qoraalkaygan Ku Iclaaminaya, Fuaad Abdi salaan Hassan Haji 15 Jir Baan Kula Tashaday, Imika 10 Snno 
Traainee u ahaa Xilka Hoggaan Dhaqmeed. Adeer Dal, Xukuumad iyo Shacab Xalaal ah ayaad ka Dhalatay.
 
Adeer Waxan Ku Farayaa in Falkaa Foosha Xun aad Samir & Dulqaad u Yeelatid, Isla Markaana aynu Ka Dhur Sugno Baadhitaanka Xukuumaddeena.
 
Fuaad Waa Wiilkii Walaalkay Abdisalaan Hassan, Fuaad Waa Casiisun Calayah!!!
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika     Sweden

Comments are closed