|

Fu’aad Shongole:- “ Maraykanku waxa uu Madaxayga Dul Dhigay Shan Milyan Oo Dollar, Aniguna Obama waxan Madaxiisa Duldhigay…..”

Barawe:21-Aug-2013-(SDN)-Sh. Fu’aad Shongole oo ka tirsan saraakiisha sare ee dhaqdhaqaaqa  Al-Shabaab, ayaa sheegay in qofkii nool ee Alle cimri siiyay uu mar uun arki doono Xarunta Dalka maraykanka oo uu ka Dul babanayo Calanka Tawxiidku ku xardhan yahay.

shangoleHadalkan ayuu ka sheegay Fu’aad Shongole munaasabad ay kasoo qeybgaleen waxgaradka beesha Jiido isla markaana lagu furayay xarun lagu baranayo Diinta Islaamka oo lagu qabtay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo ka waramay adduunka lacageed ee Mareykanka madaxiisa dul dhigay iyo Toban Geel Neef ah oo uu sheegay in isaguna uu ku qoray Mareykanka.

“Anigaan ii jeediin maskiinka ah Maraykankoo dhanaa iraadinaya, waa ma maqasheen sow maaha, Shan Malyan ayaan ugu qoranahay, Obama-na aniga Toban geel neef ah ayaa ku qoray, waliba tobankaasi Neef oo geel ah Suldaan Siid Cali wuxuu yiri Jiido ayaa bixinaysa”ayuu yiri Sheekh Fu’aad oo ku jees jeesayay Mareykanka.

“Ninkii nool oo Alle cimri siiyay wuxuu arki doonaa Washington oo calanka Towxiidka ka babanaya, ballankaasina allaa qaaday, sida qof walba u ogsoon yahay inuu dhimanayo ayaan u ogsoonahay”ayuu yidhi Fu’aad Shongole.

Fu’aad Shongole oo mudooyinkan kasoo muuqanayay gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa uu ka mid yahay xubnaha Mareykanka dul dhigay 5 Milyan oo Dollar qofkii madaxiisa keena in la siin doono.

 

Sheekh Fu’aad shan Go’le oo ay fikir ahaan isku dhawaayeen Hogaayimiyihii la khaarajiyey Ibraahim Afqaani ayaa in muddo ahba aan la arkin balse maalmihii ciiddii ayuu goobaha fagaarayaasha ka soo baxay, waxana jira khilaaf hoose oo u dhexeeya Ninkii khaarajiyey hogaamiye Afqaani ee Axmed Cabdi Godane oo Haatan ururka Al-shabaab hogaamiya.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed